crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Koofi la iskaga difaaci karo Kaneecada oo lasoo saaray! +Sawirro. | HimiloNetwork

Koofi la iskaga difaaci karo Kaneecada oo lasoo saaray! +Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Shirkad Japan ku taala ayaa iibinaysa koofi laga sameeyey nuuc cayayaan oo halis ah marka ay timaado ugaarsiga oo la tilmaamay inay difaac u tahay kaneecada. Mana lahan wax kiimiko ah.

Cayayaanka dragonflies la yiraahdo waa nuuca ugu ugaarsiga badan ee disha noolaha ilma-aragtida ah oo 95% awoodi kara inay haleelaan bartilmaameedkooda. Waana sirta ka dambeysa hal-abuurka shirkaddan oo looga golleeyahay in kaneecadu ka dido durba marka ay aragto wax humaageeda leh. Waana midda ay rabaan in macmiishooda ay ka dhaadhiciyaan. Kaliya suro meel kore oo jirkaada kamid ah sida garabka ama madaxa oo ka nabadgal cayayaannada wax dilooda sida kaneecada.

Waxaa jira dhowr siyaalood oo shirkado Japaan ah ay ku sheegteen inay kahortag iyo gaashaanba u yihiin kaneecada kuwaas oo intooda badan lagu dheehay kiimikooyin. Laakiin koofidani malahan wax kiimiko ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!