crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Khilaafka Canshuurta ee Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya | HimiloNetwork

Khilaafka Canshuurta ee Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya

Muqdisho (Himilonetwork) – Canshuurtu waa lacag xadidan oo dowladu ey ku soo rogto muwaadiniinta si ay wax  ugu  biiriyaan dakhliga dowladda. Waxa ay dowladdu u qaadaa canshuurta in ay ku dabbarto qarashaadka ku baxa hey’adaha kala duwan ee dowlada  ama in ay ku fuliso mashaariic horumarineed iyo adeegya kale sida caafimaad iyo waxbarsho.
Canshuurta Soomaaliya waxaa loo qeybin karaa dhowr nuuc oo kala duwan, waxaa ugu caansan canshuurta gaadiidka, kirada,  midda dhoofinta iyo soo dhoof-sashada hase ahaatee waxa ay wasaaradda maaliyadda dib u billowday markii ugu horreysay canshuurta iibka ee loo yaqaan Value Added Tax (VAT).
Maxay ka dhigan tahay canshuurta iibka ee VAT?
Canshuurta iibka ee VAT oo dalalka qaarna looga yaqaan Goods and Services Tax (GST) waxaa lagu dalacaa macmiilka iibsada badeecad ama loo qabto adeeg, waa canshuur aan toos aheyn oo ay jaan-goyso wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
Waxa ay canshuurta nuucan ah ka jirtaa ku dhawaad 193 dal, waxaase markii ugu horreysay bilaabay Jarmalka iyo Faransiiska intii lagu guda jiray dagaalkii koobaad ee dunida.
Maurice Lauré oo madax u ahaa waaxda canshuurta Faransiiska ayaa ka hirgaliyay dalkaasi canshuurta VAT sanadkii 1954 illaa mar danbe la hormariyay aragtida canshuurta.
Sida nidaamka canshuurtan uu qabo, waxaa dowladda looga baahan yahay in ay diiwaan-geliso shaqsiyaadka iyo xarumaha ganacsi oo ay ku waajibtay canshuurta.
Hababka loo qaado canshuurta VAT ama GST waa lagu kala duwan yahay, waxaana hadba dal kasta u dagsan hannaan ay isku raaceen dowladda iyo ganacsatada.
Muxuu ku saleysan yahay khilaafka canshuurta ee ganacsatada iyo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya?
Himilo FM oo isku dayaysa in ay wax badan ka oggaato khilaafka iyo sida ay wax u jiraan, waxa ay la hadashay qubaro dhinaca dhaqaalaha iyo maaliyadda, waxaa kamid ah Cabdikariim Ibraahim Macallin Xuseen oo tilmaamay waxa uu salka ku hayo khilaafka taagan ee keenay in uu joogsado ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha.
Cabdikariim waxa uu sheegay in muranka uu ka taagan yahay xilliga badeecadda laga qaadayo canshuurta iibka, waxa uu xusay in ganacsatada ay ku doodayaan in ay bixinayan canshuurta marka ay badeecadda suuqa geeyaan
“ Kororka canshuurta marka loo yimaado, dowladdu waxa ay dooneysaa in canshuurta iibka ay  ku qaado gudaha dekadda, ganacsatadana waxa ay rabaan in suuqa looga qaado,” ayuu yiri Cabdikariim oo la hadlay Himilo FM.
Waxa kale oo taagan dooda ah sababta loo la’yahay canshuur mideysan oo si siman looga qaado magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo iyo Baydhaba.
Muxuu yahay xalka maan-galka ah ?
“ Waxa uu xalka ku jiraa marka hore in la isu tanaasulo oo aysan sheekada noqon i jiid aan ku jiidee,” ayuu yiri Cabdikariim.
Sida ay la tahay Cabdikariim, sharciga canshuuraha oo la meelmariyo waxa uu noqon karaa xal kahortag u noqda in muranada nuucaan ah ay soo laabtaan, waxaana uu ugu danbeyn sheegay in ganacsatada looga baahan yahay u dhaga nuglaansho la xiriira shuruucda iyo dib-u-dhiska dalka.
W/Q: Mahad Maxamed Cali
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!