MUQDISHO (HN) – Dugsi kamid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla gobalka Uttarakhand ayaa wajahaya diidmo xagga caqiidada ah kaddib markii muuqaalka ilmo ay ku jiraan kuwo Muslimiin ah oo aqrinaya kelmadda Tawxiidka uu ku baahay baraha bulshada. Dhacdadan ayaa abuurtay dood xooggan oo qolyaha xagjirta Hinduuga ah ay su’aal geliyeen sida sinnaan wax-barasho oo diimaha oo dhan ah looga hirgelin karo dugsi si cad kelmadda Tawxiidka ugu dhawaaqaya.
Maamulaha dugsiga, Girish Chandra Saini ayaa u sheegay warbaahinta in dugsigiisu ay wada dhigtaan arday kala diimo ah oo isugu jira 110 Hinduu ah iyo 80 Muslimiin ah.
“Sannadihii lasoo dhaafay, waxaan ardayda furitaan uga dhigi jirnay kelmadda Tawxiidka,” ayuu yiri. “Ardayda oo dhanna way wada qaadi jireen.”
Markii, si kastaba, uu muuqaalku ku baahay baraha lagu xiriiro, dugsiga ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in furitaanka dugsiga laga mid dhigo aqrinta kelmadda Tawxiidka – iyada oo sida ay sheegeen garwaaqsaday in laga habboon yahay in ilmo kala diimo ah loo meeriyo kelmad u gaar ah diinta Islaamka.
Ciidamo suga nabad-galyada dugsiga ayaa lagu soo daabulay – iyada oo laga cabsi qabo in xagjirta Hinduuska ay weerar kusoo qaadi karaan goor walba.
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.