crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Kelmadda Tawxiidka kaddib Noloshu way ii sii macaanaysaa mar kasta.” – Brittany Renner. | HimiloNetwork

“Kelmadda Tawxiidka kaddib Noloshu way ii sii macaanaysaa mar kasta.” – Brittany Renner.

MUQDISHO (HN) – Brittany Renner, oo caan ka ah baraha bulshada ayaa markii ugu horreysay si furan uga warbixisay waxa ay ka dhigan tahay in qof Muslim ah uu Ilaahay kaa dhigo – iyo sababtii ka dambeysay inay Islaamka qaadato.

Haweeneydan 33 jirada ah, waxaa barteeda Instagram-ka oo kaliya ku xiran 4 milyan oo qof, waxayna waraysi dheer oo ay siisay PEOPLE kaga warbixisay socdaalkeedii ruuxaaniyadeed oo ay ugu dambeyntii kusoo gaartay dariiqa toosan. Waxay sheegtay in mar qura aysan nolosheedu isku beddelin dhanka hagaagsan oo ay si tartiib ah ula dabaalanaysay hirarka is-daba-roagaya ilaa ay kala qabsato ugu dambeyntii.

“Islaamku wuxuu marwalba ii ah waxa si dhow iila xiriira: waxaan jeclaa sida qurxoon oo ay Muslimiintu isku salaamaan; qof kasta oo aan la kulmo oo iyaga kamid ahna wuxuu ahaa qof degan oo xasilan,” ayay tiri.

Renner waxay qaadatay Islaamka bishii Agoosto sannadkii 2024 kaddib sannado ay si dhow u darsaysay diinteenna.

“Lix sannadood kahor ayaa Eebbe qalbigayga kusoo tuuray jaceylkiisa iyo midka Islaamka, laakiinse uma diyaarsaneyn inaan qaato – shan sannadood kaddib ayaa la ii qoray inaan ku dhawaaqo kelmadda Tawxiidka ama Shahaadada,” ayay tiri.

“Haddii aan Kelmadaas ku dhawaaqi lahayd waxaan kusii socon lahaa mugdi aan u jeeday inuusan iga kala dhammaan doonin.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!