crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Isbitaalka Ceelbuur oo dib u howlgalaya 10 gu’ kaddib. | HimiloNetwork

Isbitaalka Ceelbuur oo dib u howlgalaya 10 gu’ kaddib.

MUQDISHO (HN) — Waa ilmihii ugu horreeyey ee ku dhasha isbitaalka degmada Ceelbuur oo aan gudihiisa lagu bixin wax adeeg bulsho oo dhanka caafimaadka ah muddo 10 sannadood ah.

Hooyadeed waa ugub. Waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo gudaha degmadeeda ku hesha daryeel caafimaad oo gu’yaalihii tagay aan loo fidin bulshada magaalada.

In door marka laga yimaado, dhaqtar kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka wuxuu hab bukaan socod eegto ah adeeg caafimaad u siinaya mid kamid ah haweenka magaalada.

Waana mid kamid ah afar dhaqaatiir oo kala qaabilsan cudurrada guud, haweenka, iyo qaliimada.

“120 qof ka badan ayaanu diiwaan-gelinnay 48 saac gudahood oo bukaansocod eegto u badan,” ayuu yiri. “Tiraduna intaas way kasoo badanaysa madaama uu hadda un bilow yahay.”

Furitaanka Isbitaalku wuxuu runtii noqday mid si dhab ah u iftiimiyay xaddiga uu la’eg yahay baahida oo loo qabay dib u howlgelintiisa. Waxaana 48-kii saac ee ugu horreysay uu qaabilay tiro lagu qiyaasay 200 oo bukaan ah.

Waxgaradka degmada ayaa ka mahadnaqay kaalinta dahabiga ah oo ay ciyaareen jaaliyadda reer Ceelbuur.

“Waad ujeedaan dadaalkiinnii waa mira-dhalay; waana ku guuleysannay inaan dib u taagno dhismaha iyo qalabeynta isbitaalka,” ayuu yiri Nabadoon kamid ah waxgaradka degaanka. “Abaal iyo dheeraad Allaha ka siiyo cid walba oo noo soo gurmatay.”

Abdisalaam Jeexeey oo kamid ah dadkii har iyo habeen u taagnaa dib-u-dayactirka isbitaalka, wuxuu sheegay in faanoole aysan wali fari ka qodneyn.

“Hadda un bay bilow tahay,” ayuu yiri. “Wixii hore been dheh; wax badan ayaan rabnaa inaan qabanno, waana lama huraan in la iska gargaaro.”

Ku dhawaad 24-ka saac ayuu isbitaalku shaqeeya. Sheybaar, kalkaaliyaal iyo farmashiye ay ku dhan yihiin dawooyinka ayaa ku diyaarsan. Waxaa intaas dheer, ambalaas bukaannada kasoo qaada magaalada iyo deegaannada hoos yimaada.

Ceelbuur sida magaceedu u yahay qadiimi, uma qaayo iyo qurux badneyn dhawaanahan. Laakiin, hadda dadka deegaanka oo kaashanaya maamulkooda ayaa doonaya inay karaankooda isu-taagaan soo celinta qiimihii iyo mudnaantii ay magaaladani ku lahayd gobalka intiisa kale.  

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!