crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hindiya: “Saddexda Dalqadood oo lagu dhawaaqo waa Dambi hadda kadib.” | HimiloNetwork

Hindiya: “Saddexda Dalqadood oo lagu dhawaaqo waa Dambi hadda kadib.”

MUQDISHO (HN) – Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Haweenka Hindiya, Vijaya Rahatkar ayaa muujisay qanaaco badan oo ay ka qaadeen meelmarinta xeerka mamnuucaya furriinka saddexda dalqadood oo mar kaliya lagu dhawaaqo taas oo ah dood qaran oo muddo badan ka dhex socotay Muslimiinta dalka Hindiya.

Halmar oo dalqadaha lagu dhawaaqo waa arrin uu Suubanaha NNKH intii uu noolaa uu reebay kana carooday mar uu maqlay in mid kamid ah saxaabadiisa uu saddexda dalqadood mar kaliya u dhameeyey xaaskiisa. Sidaas oo ay tahay, haddana Muslimiin badan ayaa mar kaliya ku dhawaaqa saddexda dalqadood – iyaga oo moodaya inaysanba ka furmeynin xaasku haddii uusan isku raacinin.

Dalka Hindiyana, wuxuu muddo badan xal u raadinayay arrintan. Waxaana hadda muuqata in dambi ay tahay hal fadhi inuu ninku ku dhameeyo dalqadaha. Haddii uu sameeyana, wuxuu mudanayaa xabsi saddex sannadood ah. Waana sharci hadda si guud uga dhaqangalaya guud ahaanba Hindiya.

“Sharci muhiim ah ayaa maanta soo baxay wuxuuna aasaya oo ciribtirayaa dalqada sadddexlayda ah – waana mid la mahdin doono,” ayay tiri Vijaya Rahatkar.

In kasta oo sharcigu soo baxay, haddana waxay sheegtay in aqoonta dumarka ee la xiriirta fahamka sharciga iyo shareecada ay kahor istaagayso inay dhaqan-geliyaan.

“Dumar badan ayaan weli fahmin xaqa ay leeyihiin waxayse awoodi karaan inay toos ula soo xiriiraan Guddiga si loo caawiyo hadda kadib,” ayay tiri.

Muslimiintu waxay tirada dalweynaha Hindiya ka yihiin in ka badan 20%.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!