crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hindiya oo si xeeladaysan Muslimiinta uga horjoogsanaysa Guursiga Dumarka badan! | HimiloNetwork

Hindiya oo si xeeladaysan Muslimiinta uga horjoogsanaysa Guursiga Dumarka badan!

MUQDISHO (HN) – Golaha Shacabka Gobalka Assam ayaa soo saaray sharci reebaya guursiga wax ka badan hal dumar ah. Wuxuuna hadda kaddib godedle-nimada ka yeelaya mid lagu muto xabsi 10 sano ah ciddii lagu helo. Sharcigu wuxuu qolo gaar ah oo aan Muslimiinta ahayn balse kasoo jeeda diimaha kale siinayaa xaqa ay wax ka badan hal dumar ah ku guursan karaan.

Hoggaanka ugu sarreeya gobalka Assam ayaa difaacday sharcigan isaga oo sheegay inuusan ahayn mid ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta oo ay sidoo kale qeyb ka yihiin dadka Hinduuska laftooda. Wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcigani uu xoojinayo xuquuqda haweenka iyo ilaalinta xurmadooda, sida uu hadalka u dhigay!

Sharcigan cusub wuxuu sidoo kale beegsanaya waxa loogu yeero Love Jihad – ama guurka la sheego in wiilasha Muslimiinta ah ay ku qudbo-sireystaan gabdhaha Hinduuska ah kadibna si qasab ah uga mid dhigaan bulshada Muslimiinta.

Hoggaanka Muslimiinta gobalka iyo xubnaha mucaaradka ayaa si isku mid ah uga horyimid sharcigan. “Sharcigan wuxuu si toos ah u beegsanaya heybta Muslimiinta iyo Shareecada Ilaahay,” ayuu yiri Rafiqul Islam.

“Haddii la doonayo in jiritaanka iyo sharafta dumarka la dhowro maxaa ka quseeya middaas guurka – sow ma ahan marmarsiiyo la doonayo in Muslimiinta lagu yareeyo?” ayuu is weydiiyay Rafiiqul Islam.

“Ma awoodeyn kartid dumarka adiga oo raggii qabay u diraya xabsiyada,” ayuu yiri mid kale. “Sidaas darteed, kani waa sharci burburinaya qoysaska.”

Xattaa ururrada haweenka Muslimiinta iyo kuwo tira-yarta ayaa laga soo xigtay inay sharcigan ku sheegeen mid dano iyo ujeeddo kale lagu hoos wado.

“Haddii dowladdu rabto inay ilaaliso xuquuqda dumarka Muslimiinta ah waa inay innaga wax naga weydiiso; ma ahan inay sharciyo adag kusoo oogto – tani ma ahan dib u habeyn waa xeelad kale oo loo dagayo dadka Muslimiinta ah.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!