crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Suuqyaraha Gubtay ee Banaadir | HimiloNetwork

Gudaha Suuqyaraha Gubtay ee Banaadir

MUQDISHO (HN) — Khadra Axmed Faarax waxay teer iyo habeen hore markii uu dabku qabsaday suuqyaraha Banaadir ku mashquulsan tahay daadgurada wixii ka haray hantidii uga bas beeshay.

Waa mulkiilaha makiinad sisinta lagu shiido oo kamid ah 15 xarumood oo dab xooggan uu ka kacay fiilo koronto ay galaafatay hanti raashiin iyo bagaash u badan.

“Wallaahi qasaaruhu mayara,” ayay tiri. “Dukumentiyo dhul oo baaba’ay marka laga soo tago, lacag aan ku qisaay 200 oo kun oo dollar ka badan ayaa inaga gubtay.”

“Gadaal dhan waxay ahayd keydka sisinta oo ay ku jireen 400 oo jawaanno ah iyo shan makiinadood oo gebi ahaanba gubtay.”

Ragga idin muuqdana waxay isugu jiraan howlwadeennada iyo lihilayaasha qaar kamid ah xarumihii bas beelay habeen hore kuwaas oo wixii nacfi leh oo ka haray dabkii ku baahay xarumahooda kala soo dhex baxaya.

Cali Abdi Ali waa walaalka mid kamid ah lihilayaasha dukaamadii bas beelay. Wuxuu sheegay inay jireen sababo horseeday in dabku sahal ku baaho.

“Dhismaha oo jiingado u badan; dadka oo isku soo xoomay – qaar xatooyo u yimidna ay ku jireen – iyo ciriiri meel la kala dhigo la garan waayay ayaa ugu wacnaa,” ayuu yiri.

“Sidaas darteed ayay boolisku kolkii dambe goobta dhan xireen si ay u xadidaan dhaqdhaqaaqa.”

Qiica weli ka baxaya gubashada walxo raashiin u badan iyo jergaannooyin saliid ah oo ku qubtay afaafka laamiga ayaa wali muujinaya sida ba’an ee dabku u aafeeyey suuqa. Khadra oo 10- sannadood ka badan ku ganacsan jirtay halkan, weligeed lama kulmin mashaqadan oo kale.

“Weligay mafilan mana la kulmin,” ayay tiri. “Waa qaddar Alle oo lama dhaafi karo.”

Markii uu dabku ka kacayay suuqa, shaqooyinku waxay u socdeen sidii caadada ahayd. Dabkuna wuxuu ku bilowday si kadis ah oo aan loogu tala-galin.

“Markaas uu dabku kacayo, waxaa degayay raashiin laga dejinayay gaari weyn,” ayuu yiri. “Wax walba sahal iyo lama filaan ayay nagu ahaayeen.”

Labaduba – Khadra iyo Cali – saadaashu uma sahlana. Mana oga inta ay la’eg tahay muddada ay kusoo kaban doonaan.

“Gargaar iyo hiilba waan isku leennahay; waana ka rajaynaynaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya,” ayay tiri.

“Kolay majirto mar uu walaalkaa oo ay musiibo ku dhacday uu kaaga baahi badan yahay; qof walbow duco iyo deeq wixii aad nagu tari kartaan,” ayuu sii raaciyay Cali.

Dabka ka kaca suuqyada iyo gubashada hantida faraha badan ee ganacsatada SOOMAALIYEED ma ahan mowduuc ugub ah. Dhowrkii sanadood ee lasoo dhaafay waxaa mar iyo ka badan gubtay suuqyada ugu waaweyn caasimadda Muqdisho.

Mana jirto cawilcelin la siiyo ganacsatada ku waxyeelooba. Walina waxaa muuqata inaan casharro nool laga baran sida loo xakameeyo aafaddan soo noqnoqonaysa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!