Goolhayaha Xulka Qaranka Gabdhaha KC Sweden oo Islaamtay.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
May 13, 2018
473 Views
Stochlom (Himilonetwork) – Goolhayaha ciyaartoyda xulka qaranka Sweden ee ka yar da’da 19-jirka, Ronja Andersson, ayaa kaddib sannado badan oo ay baranaysay diinta Islaamka ugu danbeyntii muslimtay.
“Waan ku faraxsanahay inaan Muslim ahay,” ayay ku tiri waraysi ay siisay wargeyska Aftonbladet.
Andersson, oo kamid ah xulka gabdhaha kubadda cagta Sweden ayaa sheegtay inay la qabsatay barashada Islaamka markii ay jirtay da’da 15 sano.
Wax yar kaddibna, waxay daah-rogtay in Islaamku uu yahay ileyska aadanaha.
“Waxaan ku arkay waxyaalo badan oo isoo jiitay, waxaana jeclaan jiray inaan xaadiro khudbadaha; aadana masaajidda,” ayay tiri.
“Dadku markii hore waxay i dhihi jireen waxaad u Islaamaysaa saaxiibkaaga awgiis, laakiin xaqiiqdu sidaas way ka fog tahay. Go’aankan waxaan gaaray isaga la’aantiis,” ayay sii raacisay.
Si kastaba, go’aankeedu wuxuu keensaday dhaleeceymo badan oo loo jeediyay oo xittaa qoyskeedu ay kamid yihiin.
“Wax walba waan qaabili karaa hadda kadib,” ayay tiri.
Hadda oo ay og tahay in bisha Ramadaan ay soo dhaw dahayna, waxay ku faraxsan tahay inay kamid tahay kuwa soo dhaweynaya.
Muslimiinta Sweden ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan nus malyuun, marka loo eego Machadka US State Department.
Related
2018-05-13
You must log in to post a comment.