crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Eeyo cunay lamaanihii korsan jiray! | HimiloNetwork

Eeyo cunay lamaanihii korsan jiray!

Madrid (Himilonews) – Qoyska ayaa ku yimid xaalad argagax leh markii ay dul-yimaadeen waalidkooda muddo dheer kadib.
Mid kamid ah xubnaha qoyska ayaa daah-rogay in lamaanahan da’da ah ee reer Spain ay cuneen Eeyaha ay korsanayeen kadib markii ay ku naf-baxeen gudaha aqalkooda ku yaalla Mallorca.
Booliska ayaa rumeysan in ninku uu hor-dhintay kahor afadiisa xanuun dheer dabadiis. Mana aysan awoodin inay daryeesho, wayna dhimatay maalmo kadib.
Laba meyd ayaa muujiyay calaamado ah inay cuneen Eeyaha ay rabaayada ku heysteen. Lamaanahan oo wada jir 75 sano ayaa shan Eey xanaanaysan jiray. Laba kamid ah ayaa u geeriyooday macluul markii lugaha laga xiray cuntana aan la siinin.
Booliska ayaa rumeysan in saddexda kale ay ku samata-baxeen cunista meydadka lamaanihii lahaa.
Dhacdada waxaa daah-rogay mid kamid ah ilmaha lamaanaha kaas oo ku hakaday aqalka si uu u hubiyo xaaladdooda.
Dhimaallada ayaa aad u uray, hayeeshe baaritaannada hore ayaa muujiyay in labadaba ay u dhinteen xanuunno dabiici ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!