Warbixin ku saabsan Subaca iyo Soomaalida – Bisha Ramadaan.

Muqdisho (Himilonews) – Dhawaqa aad maqlaysaan waa hooris Subac oo ay wada aqrinayaan cutub ka kooban labood da’yar iyo da’dhexaad ah kaas oo habeen kasta oo bisha Soon-qaad katirsan ka dhaca xaafad kamid ah degmada Wadajir ee gobalka Banadir.
Waxaana cutubkaas kamid ah Maxamed Isaaq oo ku jira da’da 50-jirka. Aqrintiisuna ma ahan dhaqan hadda un bilowday.
“Dhaqankani waa ab-ogaa aan ka dhaxalnay aabayaashii hore,” ayuu yiri Maxamed kaas oo muddo dhan 37 sano ah diinka dhiga.
Dhaqamada quruxda ee gaarka u ah umadda Soomaaliyeed waxaa mar iyo mar kastaba laga xusi karaa Subaca – oo ah wadajir ugu fariisiga dusha ka aqrista Qur’anka iyada dhamaadka aayaddana lawada hoorinayo. Waana tilmaanta koobaad ee lagu sifeeyo Soomaalida mar kasta oo laga sheekeynayo sida hibada leh oo ay ula koraan barashada diinta Islaamka.
In kasta oo aan la ogeyn goortii iyo halkii ay Soomaalidu sida fog ula qabsadeen habkan qeybta weyn ku leh xifdinta Qur’anka, hadana waxaa had iyo jeer laga mahad naqaa sida jiilba jiilka kasii danbeeya uu dhaxal ahaan ugu reebo.
Balse dhamaan dadka Subaca ku wada jira Qur’anka kuma soo wada dhigan hal fusxo. Hayeeshe taasi kuma ahan caqabad muuqata, marka loo eego Isaq.
“Dadku waxay wax kusoo kala barteen kala fusxo,” ayuu yiri. “Laakiin waxay ila tahay inta halkan wada timaada waa kuwo wada jaan-qaadi kara – u eegis la’aan fusxada ay wax ku bartaan. Hagaha ayaa had iyo jeer toosinta iska leh.”
Isku imaantinkooda halkan, aalaaba waxay ku timaadaa si sahlan, marka laga tilmaan qaato sida ay ugu xisaabtamayaan dhalashada bisha Soonqaad.
“Kahor dhalashada bisha ayaa inta ka nool saaxiibadu is ogeysiisaa – waxaana lagu ballamaa mid kamid ah guryaha – halkaas ayaa inta ay ka dhamaaneyso bisha aan ku aqrinaa,” ayuu xusay isaga oo farta ku fiiqay in qof kasta uu ku tashto Subaca.
Kal-fadhiga habeen kasta oo Jallaad looga kaco muddo dhan saddex saacadoodood, waxay ka dhigan tahay in toddobaad kasta ay mar dejiyaan Qur’anka oo dhan.
“Ugu yaraan laba saac ayaan u fadhiisannaa aqrinta Jallaad habeen kasta – taas oo ka dhigan inaan afar jeer iyo jajab dhameyno dejinta 114 Qur’anka,” ayuu tilmaamay.
In subac la aqriyo bisha Soonqaad, dad badan waxay u arkaan fursad aysan heli Karin bilaha kale oo ay ku xifdiyaan Qur’anka iyo ujeedo badan kale oo ay og yihiin.
“Dadku mawada heli karaan bilaha kale fursad ay ku kulmaan – mashquul awgiis, sidaas darteed bishan waxay fursad weyn u tahay kuwa aan dejin karin bilaha kale inay afar jeer dhameyn karaan. Waana dawo iyo ajir dheeraad ah oo aan Ilaahay ugu dhawaanno,” ayuu yiri.
In kasta oo dhaqankani u yahay mid soo jireen ah, hadana waxaa jira caado-dhaqameed ay diideen inay kusii socdaan sida kala soocidda da’da Subaca wada aqrinaysa.
“Carruurta aalabaa ma dhici jirin inay aabayaashooda la aqriyaan, waayadii hore. Balse maanta dhaqankaas wuu sii go’ayaa. Wadajir ayaynu ku wada subcinnaa,” ayuu ku faanay Isaaq.
Dhamaadka maalmaha barakaysan ee bisha Ramadaan oo ay qatimayaan Subacana waxay qeybsadaan hal farxad oo dheeri ku ah agtooda.
“Habeen ugu danbeeya waxaan sameynaa gunaanad aan ku sagootinno bisha barakaysan iyo subcinta, waxaana inta badan aan ku qabsannaa guri kamid ah guryaha saaxiibada, derisku xittaa way nagala qeyb-galaan,” ayuu yiri isaga oo dhoolla-caddeynaya.
Waa abaal-gud u muuqda in la isku xusuusinayo sida dib loogu kulmi karo sanad kadib madashan oo kale. Hayeeshe waa fursad qof kasta oo soomaya laga yaabo inuusan  u helin 4 jeer inuu dejiyo Qur’anka oo dhan.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!