crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cayaarta ‘Buundada Lulata’ oo shacbiyad ku yeelanaysa Shiinaha! | HimiloNetwork

Cayaarta ‘Buundada Lulata’ oo shacbiyad ku yeelanaysa Shiinaha!

MUQDISHO (HN) – Cayaarta loo yaqaan Buundada lulata waa mid sina u fudud haddana qof walba uusan xejin karin ku kor sugnaanteeda. Waxayna hadda u muuqataa mid noqonaysa tan ugu kulantida ‘shacbiyadda’ badan gudaha Shiinaha.

Haddii aad og tahay inaad dheelli-tiri kartid culeyskaaga, buundada lulata waa midda kugu habboon oo aad isku tijaabin kartid. Waxaa cayaartan dheela cayaartoy badan oo dadka caadiga ah kamid ah kuwaas oo kala noqda labo dhinac oo iska soo horjeeda oo xubin kasta oo labada koox kamid ah uu isku dayo inuusan lumin dheelli-tirkiisa si uusan uga faniinin buundada oo hoosteeda ay ku jiraan biyo.

Waa tab fudud laakiin inaad xejiso ay adag tahay waayo dhaqdhaqaaqa joogtada ah ee buundada ayaa qofka u diida inuu ku negaado dhinac kaliya. Cayaartan waxaa asalkeeda la rumeysan yahay inay kasoo jeedo Shuoping Flower Field oo ah goob dalxiiseed ku taalla magaalada Ruzhou. Waxayse hadda noqotay mid laga daba-dhacay oo guud ahaanba Shiinaha laga dheelo.

Waa cayaar u baahan dulqaad iyo diyaargarow badan oo tababarasho ah. Aalaabana dadka ku cusub cayaartan ma xejiyaan daqiiqad ka yar inay ku dul sugnaadaan buundada korkeeda. Laakiin dadka muddo dheer kaddib ku xeeldheeraada cayaarteeda, waxay dadweynaha daawanaya siiyaan dhugasho xiiso leh oo ay jecleystaan inay usoo dalxiisaan mar kale.

Hadda cayaartan waxay u muuqataa mid aan kaliya ku ekaan doonin gudaha Shiinaha balse laga cayaari doono dunida inteeda kale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!