crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> OIC oo TV Islaami ah howl-galinaysa | HimiloNetwork

OIC oo TV Islaami ah howl-galinaysa

Jeddah, Sucuudiga (Himilonews) – Ururka Midnimada Islaamka ee OIC ayaa horay u qaadaya tallaabo lagu howl-galinayo fogaan arag Islaami ah kaas oo ku bixin doona saddex afaf–ujeedadiisuna tahay inuu is-badal  fal-celin togan ah ka sameeyo dunida Muslimka sida ay soo xigatay Arab News. 
Xog-hayaha guud ee OIC Iyad Madani wuxuu yiri; “Dunida Islaamka maanta waxay si dhaqsiinyo leh ugu baahan tahay inay hesho fogaan arag macno buuran iyo milgo togan kusoo kordhiya noloshooda maalmeed kana caawiya inay Muslimiintu ku guuleystaan himiladooda.”
Agaasimaha Xiriirka OIC Maha Akeel ayaa aqrinaysey faallada Madani xilli ay socotay kulan ay guddigu kaga arinsanayeen sida loo howl-galin karo qorshaha curdinka ah kaas oo ka dhacay xaruntooda Jeddah. 
Madani wuxuu sheegay in fogaan araggu uu soo tebin doono dhacdooyinka ka dhaca dunida gaar ahaan tabaalaha saameynaya Muslimiinta iyo fahamka Islaamka–iyada oo fogaan araggu uu sidoo kale dhiiri-gelin doono wada noolaanshaha iyo is-fahamka ka dhaxeeya Muslimiinta iyo reer Galbeedka. 
Wuxuu sheegay in mushkiladaha hadda aloosan ay soo dadejiyeen in heegada lagaliyo fogaan aragga kaas oo aan hawada ku jiri doonin 24-saac. Afafka Carabiga, English-ka iyo Faransiiska ayuu tilmaamay inay ku bixi doonaan barnaamijyada fogaan aragga. 
Marka loo eego Akeel, fogaan aragga ayaa la filayaa in laba sano kadib hawada lagu soo biiriyo–iyada oo sidoo kale dhinaca internet-ka laga daalacan doono warbixinnada fogaan aragga. 
Waxay tilmaantay in fogaan araggu uusan tartan la gali doonin fogaan aragyada kale ee ku baxa afafka English-ka sida CNN, BBC, FRENCH 24 iyo xittaa kuwa Carbeed sida Al-Jazeera. 
“Waxaynu kaliya diiradda saari doonnaa xaaladaha saameynaya dunida Muslimka ah sida tan Falastiin.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!