crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork

Wararka

Shimbiro Halis ugu jira inay u dabargo’aan Bacda Balaastikada awgeed!

MUQDISHO (HN) – Jaziiradda Lord Howe waa mid aad ku arkayso shimbiro calooshoodu ay ka shanqarayso dhawaqa bacda balaastikada sababta oo ah waxay aad u cunayaan bacaha. Shan meelood meel jirkooda kamid ah waxaa hadda noqday bacda ay cunaan. Waa arrin tiiraanyo leh balse sidoo kale mustaqbal hubanti la’aan ah gelinaysa jiritaanka noolaha ku nool oogada dhulka. Caadiyan qofku marka ...

Read More »

8 Jirka la nool Eeyaha ee Ilaaway inuu sida Dadka u hadlo!

MUQDISHO (HN) – Canug 8 jir ah oo ku nool dalka Taylan – kaas oo wadajir ay u deyriyeen hooyadiisa cabtooyda ah iyo walaalkiisa ka weyn – ayaa la qaadashada waqtigiisa ugu badan eeyaha waxay keentay inuu sidooda kale u qeyliyo – micnaha luqadda eeyaha ay isku afgartaan inuu ku hadlo uuna ilaabo inuu sida aadanaha u hadlo. Xiriirka maalinlaha ...

Read More »

Bangi ‘haweeney waayeel ah’ ku qasbay in sariir lagu keeno si lacagteeda loogu bixiyo!

MUQDISHO (HN) – Shaqaalaha bangi ku yaalla dalka Meksiko ayaa lagu tilmaamay kuwo aan damiir duxa iyo dadnimo toona lahayn kaddib markii hooyo 96 jir ah ay ku qasbeen in sariir lagu keeno bangiga si heybteeda lahaanshaha koontada uga furan bangiga loogu caddeeyo kadibna loo siiyo lacagta ceyrta ah. Muuqaalka iyo sawirada haweeneyda waayeelka ah oo lagu sido sariirta isbitaallada ...

Read More »

Ubax – haddii aad baahatid aad cuni karto – oo lagu soo saaray!

MUQDISHO (HN) – Ubaxa hoo – marka aad baahatidna cun – waayo waa hadyad aan kaliya indhaha iyo taabashada ku qurxooneyn, balse aad sidoo kale cuni kartid. Taas waa marka loo fiiriyo hal-abuurka cusub ee Macey Nemer oo keek ka sameysan rucubyo ubax ah sameysa. Gabadhan ku nool Sydney dalka Australia waxay noqotay qofkii ugu horreeyey dunida macmacaanka oo soo ...

Read More »

Baadari been-been rabay inuu Dhulkiisa kala wareego Nin Danyar oo lagu fahmay!

MUQDISHO (HN) – Baadari ku nool Honduras ayaa buuq ka abuuray barayaasha bulshada dalkaas kaddib markii la arkay isaga oo mid kamid ah ka qeybgalayaasha kaniisadda ku cadaadinaya inuu gurigiisa u hibeeyo kaniisadda – ‘waayo, waxaa kugu amray Ilaahay inaad sidaas sameysid’ ayuu ku yiri. Muuqaal aad ugu dhex baahay toddobaadkan baraha lagu xiriiro ee dalka Honduras ayaa la arkayaa ...

Read More »

74 Jirkii iska dhigay meydka si uu u kala ogaado Nacabkiisa iyo Gacalkiisa.

MUQDISHO (HN) – 74 jir ku nool gobalka Bihar ee ugu faqrisan dalka Hindiya – ahna howlgab horay uga tirsanaa ciidanka cirka ee dalkaas – ayaa dhimashadiisa ka been sheegay bal si uu u ogaado cidda kasoo qeybgali doonta hadduu lacalla dhab u dhinto. Dadka reer Bihar waxaa naxdin ku noqotay maqalka geerida Mohan Lal, waxayna usoo degdageen tacsidiisa – ...

Read More »

‘Laaluush iska diid oo laaluush kale hel’ – Sharci la-yaab leh oo Ruushku soo saaray!

MUQDISHO (HN) – Booliska gobal kamid ah Ruushka ayaa sharci la isku maandhaafay kasoo saaray la dagaalanka musuqmaasuqa iyo laaluush-ka kaas oo dhigaya in askari walba oo iska diida shaafto ama shaxaad lagu laaluushayo la siin doono lacag u dhiganta tirada lacagta uu iska diiday ama lamid ah. Dalka Ruushka, laaluushka iyo lacagaha sharci-daradda ah oo boolisku ka qaato shacabka, ...

Read More »

Afghanistan oo soo saaraysa Baabuur leh Qaboojiye Dabiici ah!

MUQDISHO (HN) – Afghanistan waxay soo saartay gaari leh AC ama qaboojiye gacan-ku-sameys ah oo mashiinkiisu korsaaran yahay baabuurka dushiisa oo hawo macaan aadna u qabow siinaya darawalka iyo la-wadayaasha. Waxaana baabuurtan taksiyada u badan ay hadda kusoo badanayaan magaalada Kandahar oo ah midda labaad ee ugu weyn dalkaas kaddib Kabul. AC-dan gacan ku sameyska ah waxaa looga kaaftoomayaa midda ...

Read More »

Warshadda ugu weyn Dunida ee soo saarta Kaneeco dhufaanan!

MUQDISHO (HN) – Dadaal ay Brazil ku doonayso inay ku ciribtirto ama ay hoos ugu dhigto xanuunka qandhaha la yiraahdo Dengue awgeed, waxaa dalkaas laga dhisay warshadda ugu weyn caalamka oo soo saarta kaneecada – haa dhilmaanyada! Waxayna toddobaad walba soo saaraysaa 190 milyan oo kaneeco ah. Magaalada Campinas ee gobalka Sao Paulo ayaa laga dhisay warshaddan oo ku fadhisa ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!