crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork

Dunida Muslimka

“Xaas labaad ma guursan kartid ilaa..” – Sharci la isku maandhaafay oo Kerala kasoo baxay!

MUQDISHO (HN) – Maxkamadda sare ee Kerala ayaa soo saartay sharci dhigaya in ninka Muslimka ah uusan xaas labaad guursan karin ilaa uu ogeysiiyo xaaskiisa koowaad. Qaraarku wuxuu dhigayaa in – in kasta oo qofka Muslimka ah diintiisu farayso inuu xaasas badan guursan karo – haddana uusan ka tallaabin sharciyada iyo mabaadi’da dastururiga ah ee u degsan gobalka Kerala. Garyaqaan ...

Read More »

Muslimiin loo diiday inay ku dukadaan Masjidkooda!

MUQDISHO (HN) – Jimcihii na dhaafay, tiro Muslimiin ah ayaa laga horjoogsaday inay ku dukadaan Masjid saddex dabaq ah – sababta oo ah wuxuu ka dhisan yahay goob sharci-darro ah. Dhacdadan is hortaagga ah oo ay sameeyeen lix xubnood oo kamid ah Xagjirta Vishva Hindu Parishad (VHP) waxay ugu dambeyntii ku muteen in loo xiro falkooda xayiraadda. Xubnahan ayaa kahor ...

Read More »

Muslimiintii loo xiray Jaceylka Suubanaha NNKH oo dib u helay xorriyadooda.

MUQDISHO (HN) – Maxkamadda sare ee Delhi ayaa iska diiday – meeshana ka saartay – in dambi laga dhigo jaceylka Suubanaha NNKH kaddib markii Muslimiin badan loo xiray loona waxyeelay sababtii ay u muujisteen jaceylkiisa awgeed. Maxkamaddu waxay xeer-ilaalinta dacwadda kusoo oogtay eedeysanayaasha Muslimiinta ah u sheegtay in xorriyadda diimeed ee Muslimiinta ay kamid tahay jaceylka Nabi Muxamed NNKH. Arrintan ...

Read More »

“Madrasooyinku waa ilaha argagaxisadu kasoo farcamaan” – Wasiir Hindi ah.

MUQDISHO (HN) – Wasiir kamid ah gobalka Utter Pradesh ayaa – isaga oo aan caddaymo u heysan sheegadiisa – wuxuu Muslimiinta ku tilmaamay argagaxiso soo koraysa oo u baahan in si dhow loo maamulo. Waxay arrintani daba soctaa qarixii dhawaan ka dhacay Delhi oo dowladda Hindiya ay ku eedeysay dalka Pakistan. “Muslimiinta wax-bartay waa argagaxiso soo koraya,” ayuu yiri. “Maxaa ...

Read More »

Arday Muslimiin ah oo lagu qasbay inay ‘u hagoogtaan’ Sanamyo!

MUQDISHO (HN) – Saddex arday Muslimiin ah ayaa loo ciqaabay – si xunna loo bahdilay – sababta oo ah waxay ku tukadeen fasal kamid ah Jaamacadda ay dhigtaan. Waxaana falkaas bahalnimada leh sameynaya xagjir si dhow xiriir ula leh Xisbiga BJP ee haatan maamula Hindiya. Muuqaal laga soo duubay ayaa la arkayaa iyaga oo ay soo xirixireen xagjirtani wiilasha Muslimiinta ...

Read More »

“Kelmadda Tawxiidka kaddib Noloshu way ii sii macaanaysaa mar kasta.” – Brittany Renner.

MUQDISHO (HN) – Brittany Renner, oo caan ka ah baraha bulshada ayaa markii ugu horreysay si furan uga warbixisay waxa ay ka dhigan tahay in qof Muslim ah uu Ilaahay kaa dhigo – iyo sababtii ka dambeysay inay Islaamka qaadato. Haweeneydan 33 jirada ah, waxaa barteeda Instagram-ka oo kaliya ku xiran 4 milyan oo qof, waxayna waraysi dheer oo ay ...

Read More »

Halyayga Araga la’ ee Xifdisan Qur’aanka kariimka oo dhan!

MUQDISHO (HN) – Inamul Ali, oo kasoo jeeda xaafadda Tulamati village, gobalka Assam ayaa noqday xaafidul-Qur’an isaga oo weliba kamid ah dadka aan helin nimcada araga. Wuxuu Quraanka ku xifdiyay kaliya qaab-dhageysi ah. Wuxuu macalimiintiisa iyo saaxiibada ardaydiisa ah ka dhageysan jiray aqrintooda aayadaha Qur’anka – marka ay gaarkooda u aqrisanayaan iyo kolka ay isaga u meerinayaan intaba – wuxuuna awooday ...

Read More »

17 Qofood oo mar qura ‘Shahaadada’ loogu qabtay Dalka Kuuriya.

MUQDISHO (HN) – Ramadaantii lasoo dhaafay waxay xusuus lama ilaawaan ah u ahayd Masjidka Seol ee dalka Koofur Kuuriya. Waayo maalintii koowaad ee bisha Soonqaad, 17 qofood ayaa Shahaadada loogu qabtay – iyaga oo kamid noqday bulshada Muslimiinta ah. Munaasabadda ayaa lagu qabtay gudaha Masjidka Seoul Central halkaas oo la arkayay dad haween iyo rag iskugu jira oo aqrinaya aayado ...

Read More »

Sida Imam Dhalinyar uu 90 Qofood uga caawiyay inay qaataan Islaamka!

MUQDISHO (HN) – Afartii sannadood ee lasoo dhaafay, Emre Şahin, oo 33 jir Imam ah, wuxuu goobjoog u ahaa 90 qofood oo qaadanaya diinta Islaamka gudaha magaalada Berlin ee dalka Jarmalka. Sahin wuxuu shubaal ugu hadli karaa afafka Turkiga, Jarmalka iyo Carabiga, wuxuu ku bixiyaa kuna jeediyaa afafkaas khudbooyinka uu ka jeediyo masjidkiisa – isaga oo siinaya aqoon-kororsi diimeed oo ku ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!