Casri Maxaabiistu ay Magac kaliya Wadaagaan!
Posted by: Zakariya
in Wararka
January 23, 2018
581 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Waxaynu nool nahay casri qof kasta oo inaga mida qaladka uu ku dhaco uu ku waayi karo naftiisa: ku lumin karo ehelkiisa; ama uu ka quusan karo nolosha oo idil. Xaqiiqduna waa in albaabada xabsiyada qaar ay yihiin kuwa maxbuuska loo sii taxaabayo uu goor hore lumiyay rajadii macaaneyd ee nolosha.
Mar walba oo aad ka fikirto ereyga xabsi, durba waxaa kuu sawirmaya qolal yaryar oo ay ku jiraan dad jeebadaysan oo kugu eegaya fiiro aan farxadi ku dheehneyn, askari foojigan iyo budkiisa oo gaaf-wareegaya dhexdiisa. Hayeeshe, dunida casriga, xabsiyadu malahan hal macno iyo xattaa muuqaal lagu wada garto. Magaca kaliya ee wali loo la’yahay in lagu kala tilmaamo ayaa ka dhiman erey-bixinta maanta.
Maxaabiista ugu badan caalamka waxay ku kala nool yihiin dalalka Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Hindiya iyo Brazil. Waxayse ku kala dheer yihiin tayada nololeed oo ay ku heystaan dhexdooda.
Si guud dalalka la isku yiraahdo Iskandanifiyanka iyo dalka Holland waxay kamid yihiin dalalka ugu fiican oo maxbuus lagu noqdo. Gudaha xabsiga waxaa jirta xurriyad nuuc walba leh oo qofka maxbuuska ah ku saacida inuu dareemo raaxo nafsi ah. Dhammaan wax walba oo laga yaabo inaysan kusoo dhicin maskaxda maxbuuska ku nool qaaradda Afrika ayay ku heystaan xabsiyada.
Waxaa loola dhaqmaa sida qof muxtarim ah oo – in kasta oo gaboodfal uu ku kacay – haddana mudan in loola dhaqmo sidii Alle u karaameeyey. Lagama yaqaan jirdil, ciqaabid iyo wixii lamid ah. Taas bedelkeeda waxaa shaki uu ka galaa in halka lagu soo xereeyey ay tahay xabsi iyo in kale.
Waxaa ugu dhex-yaal maktabado buugaagta laga aqristo: kumbuyuutaro qadka ku xiran oo ay adeegsadaan: suuq-yare ay ka dukaameystaan: goobo ay ku madadaalaan: jiifka u yaalla maba aqaan sida aan kuugu sawiro iyo fadhiga qurux badan oo ay ku qaabilaan martida u timaada.
Halka xabsiyada qaar shaqada laga qabto ay tahay mid maxbuuska dareensiin karta liidnaan ama uusan farba u qaadin weel sii jeeda soo jeedintiisa, haddana maxbuus walba sidaas uma shaqo la’. Marka uu xabsiga kusoo biiro, waxaa loo tababbaraa howsha uu jeclaan lahaa inuu ku xoogsado – muddaba xabsiga uu ku jiro – iyo marka uu bannaanka uga baxayo. Taas micnaheeda waa in mid walba oo kamid ah uu shaqadiisa gaarka ah ka qabsado gudaha xabsiga.
Sidoo kale, muddada xilliyeedka uu qofku xabsiga ku jiro waa mid aad u yar oo hal sano meelaha qaar ka ah. Taasi waxay qofka ku kaalmeysaa inuusan marnaba lumin rajada macaan ee nolosha. Shaqooyinka kale ee qofka u furan waa inuu ka qeyb noqdaa samafalka howlaha guud sida nadaafadda si muddaba uu xabsiga ku jiro uu ku bixiyo u adeegista bulshadiisa.
Markii akhlaaqdaas qaaliga ah lagula dhaqmay maxaabiista xabsiyada Iskandanafiyanka, waxay keentay inuu aad hoos ugu dhaco tirada dadka xabsiyada lagu soo celiyo marka ay baxaan kadib. Si kale marka loo dhigo, 3 kamid ah 10-kii qof ee xabsiga ka baxa ayaa dib loogu celiyaa jeelka. Sidoo kale, markii ay yaraadeen danbiyada rayidka ee ka dhaca dalka Holland, xukuumaddu waxay albaabada iskugu laabtay dhowr xabsi.
Marka loo eego warbixinta guddiga asluubta qaran ee Holland, 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxay jiray hoos u dhac ku yimid danbiyada ka dhaca dalka Netherland taas oo soo dedejisay in xabsiyo waaweyn loo bedelo xarumo kale oo ganacsi sida hoteello iyo wixii lamid ah.
Sideedaba, qofka maxbuuska ahi haddii uusan xabsiga ka bixi karin isaga oo ah qof ka duwan siduu ahaa bilowgii imaatinkiisa, gidaaradda uu dhexda uga jiro wax weyn kama bedelayaan shaqsiyadiisa. Marka loo eego mufakirka reer Jarmal, hadafka xabsiga loo dhiso waa in qofka lagu kaalmeeyo inuu kusoo baxo si ka sarreysa nolol ahaan siduu ahaa kahor inta uusan maxbuus noqon.
Ma ahan dhaqan cirka uga soo dhacay ama wax lagu uumay. Waa dhaqanka Islaami ah midka maanta ka jira xabsiyada reer Galbeedka. Cumar bin Khadab RC marka qof lasoo xiro, wuxuu dhihi jiray gacan nabdoon haku jiro ilaa uu towbad la yimaado. Waana yoolka saxda oo xabsi loogu tala-galay inuu ku howl-galo.
Markii Suubanaha NNKH uu amray in si wanaagsan loola dhaqmo mid kamid ah beeldaajayaashii Carbeed, wuxuu kolkii danbe oo xabsiga laga sii daayay kusoo noqday masjidkii Nabiga oo isaga oo ku dhawaaqaya Kalmadda Tawxiidka. Haddii uusan Suubanuhu fari lahayn Saxaabada inay wanaajiyaan hab-la-dhaqankiisa, isna si fudud uguma qanceen inuu diinta Islaamka soo galo.
Maanta oo lagu jiro qarni wax walba loo yasiray aadanaha nool, waa muhiim inaan dib ugu laabanno 14 qarni kahor sida Muslimiintii hore ay ula dhaqmi jireen maxaabiista. Markaas ayaan si lamid ah hadafkooda nololeed ugu guuleysan karnaa horumarinta nolosha dadkeenna xabsiyada ku jira oo mugdigu u yahay rajada kaliya oo ay weheshadaan taniyo geeridooda.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
Related
2018-01-23
You must log in to post a comment.