crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Annaga amar la’aanteen ilmo ma dhali kartid.” – Sheekooyinka Tacaddiga Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Wiigar. | HimiloNetwork

“Annaga amar la’aanteen ilmo ma dhali kartid.” – Sheekooyinka Tacaddiga Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Wiigar.

MUQDISHO (HN) – Zumrat Dawut, waa haweeney Wiigar ah oo nolosheeda inta ugu badan kusoo qaadatay jirdil iyo xarig ay kala kulantay dowladda Shiinaha oo si aan gambasho lahayn cadaadis xooggan ugu heysa Muslimiinta Wiigar. Dhowr bilood oo ay maxbuus ahayd kaddib, waxay haddana bannaanka usoo baxday si ay mar kale u marto tijaabo kale oo kasii qaraar middii jeelka ay kusoo martay!

Waxaa lagu yiri: ‘annaga amar la’aanteen ilmo kuma qaadi kartid calooshaada – yacni waxba ma dhali kartid.

Afar bilood kaddib markii laga soo daayay xabsiga sannadkii 2018-ka, waxaa loo sheegay inay si qasab ah isku dhufaanto si aysan waxba u dhalin.

“Waa xubin jirkayga kamid ah xubinta taranta – balse anigu ma maamulo,” ayay tiri Zumrat oo muddo 7 sannadood ah ku nool Maraykanka.

Zumrat waa mid kamid ah bulshada Muslimiinta u badan ee Wiigarka la yiraahdo ee ku nool Bariga Turkestan oo hadda hoos yimaada gobalka Xinjiang.

Taniyo sannadkii 2016-ka, dowladda Shiinaha ayaa Muslimiintan u sameysatay xerooyin ay si joogto ah ugu ciqaabto balse ay caalamka ugu sheegtay inay yihiin xarumo tababbaro iyo farsamada gacanta loogu sameeyo dhalinyarada Wiigarka. Hayeeshe, ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegaya in tacaddiyo isugu jirdil, kufsi, maan-doorin qasab ah, Islam-la-dirir, ilmo-xaaqid, xadididda dhalmada iyo wixii soo raaca ay dowladda Shiinaha ku marsiiso gudaha xabsiyadaas Muslimiinta Wiigarka.

Dowladda Shiinaha ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay iyada oo ku tilmaamaysa warar been-abuur ah oo laga baahinayo. Waxay sidoo kale gaashaanka u daruurtay dukumentiyo caddaymo wata oo laga soo diyaariyay gudaha xabsiga kaas oo si caadyaal ah daaha uga rogaya xaddiga uu la’eg yahay ciqaabta xun ee ka dhex jirta xabsiyada.

Taniyo markaas, QM ayaa maalin gaar ah u aqoonsatay Maalinta Aqoonsiga Gumaadka Wiigarka kaas oo sannad kasta la isku xusuusiyo waxa ay ka dhigan tahay in qof Muslim ah lagu noqdo gudaha Shiinaha.

“Dadkan Muslimiinta u badan waa bulsho dhaqan gaar ah oo ka duwan Shiinaha intiisa kale heysta,” ayuu yiri Jullie Millsap. “Marka wax kasta oo dowladda Shiinaha aysan xakameyn karin sida dhalmada gabadha Muslimadda ah waxaa loo arkaa halis weyn oo soo fool leh.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!