MUQDISHO (HN) – Afghanistan waxay soo saartay gaari leh AC ama qaboojiye gacan-ku-sameys ah oo mashiinkiisu korsaaran yahay baabuurka dushiisa oo hawo macaan aadna u qabow siinaya darawalka iyo la-wadayaasha. Waxaana baabuurtan taksiyada u badan ay hadda kusoo badanayaan magaalada Kandahar oo ah midda labaad ee ugu weyn dalkaas kaddib Kabul.
AC-dan gacan ku sameyska ah waxaa looga kaaftoomayaa midda automatikada ah ee ku xiran gaariga oo qiimo ahaan aad u sarreysa. Waxay awoodi karaan inay hoos u dhigaan heerkulka ilaa 12 digree iyaga oo adeegsanaya tamar aad uga yar midda kale ee baabuurta lagu soo saaro. Mana lahan dhawaaq badan iyo guux la dhibsado.
Baabuureey badan ayaa hadda kusoo jabaya xirashada habqaboojiyahan cusub ee lagu dul rakibayo gaariga dushiisa kaas oo qiimo ahaan aad u jaban la iskuna haleyn karo. Dadka raaca baabuurta ayaa sheegay inay ka helaan qabow raaxo leh marka ay ku safrayaan.
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.