MUQDISHO (HN) – Waxaa laga joogaa 33 sannadood markii Masjidka Babri ay dumiyeen xagjir Hinduus ah oo ku doodaya in halka laga dhisay ay tahay meeshii uu ku dhashay Ilaahooda. Waxay ahayd 6 bishii Desember sannadkii 1992.
Waxaa xigay iska hor imaad dhiig badan ku daatay oo dhex maray Muslimiintii laga dumiyay Masjidkooda iyo Hinduuskii ay horseed ka ahaayeen xagjirta RSS oo ah raggii dilay Halgamaa Mahatma Ghandi maadaama uu u janjeersaday dhinaca wada-noolaanshaha iyo sinnaanta dadka Hindiya ku wada dhaqan oo aan loo kala saareynin Hindu iyo Muslim toona. Waxaa qalalaasahaas ku dhintay dad gaaraya 2,000 oo qof kuwaas oo badigood Muslimiin ahaa.
Hadda Muslimiinta Hindiya ayaa doonaya inay sannad-guurada 33aad ee kasoo wareegtay dumintiisa ku maamuusaan dhismaha masaajid kale oo xusuus ahaan loogu dhisayo Masjidka Babri oo qarnigii 16aad laga dhisay Ayodha.
Guddoomiyaha Guddiga Muslimiinta Telengana ee xaruntiisa tahay Hyderabad ayaa yiri: “waxaan arkay Muslimiinta Murshidabad oo masaafo dhan 200 km socda iyaga oo dusha ku sida dhagxaantii lagu dhisi lahaa Masjidkii beddeli lahaa Babri.”
“Tallaabadaas aad bay ii dhiirrigelisay waxaana ku taamaynaa inaan annaguna halkan Hyderabad ka dhisno Babri Masjid kale oo cusub oo isla bishan gudaheeda aan dhagax dhigi doonno.”


HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.