crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xirfadleyda Baroorta iyo Oohinta ka sameeya Goobaha Tacsida. | HimiloNetwork

Xirfadleyda Baroorta iyo Oohinta ka sameeya Goobaha Tacsida.

Accra (Himilonetwork) – Dadka qaar waxaa ku adag inay ooyaan marka uu ka dhinto qofka ay jeclaayeen, balse baroorta iyo oohintu waa qeyb kamid ah tacsida laga dhigo dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Ghana. Layaabna malahan in dadka reer Ghana ay soo ijaartaan xirfadleyda baroorta markii ay geeri kaga dhacdo qof kamid ah qoyskooda.
Ami Dokli waa mid kamid ah madaxda dhowr kooxood oo ay ku midaysan yihiin xirfadlayaasha baroorta ama oohinta. Waraysi ay dhawaan siisay fogaan-aragga BBC Afrika ayay ku sheegtay in dadka qaar aysan ooyi karin marka uu qof ka dhinto. Sidaas darteedna ay – iyada iyo tiro haween carmal wada ah – uga ooyaan tacsida looga yeerto.
Oohintu waxay ku fadhisaa qiimo aad u badan oo qoyskii tacsidooda laga ooyo ay bixiyaan lacag. Mararka qaar waxay u kala badnaan kartaa qiimo ahaan hadba sida tacsidu u ballaaran tahay.
Dadka ku nool Ghana waxay si lamid ah adduunka kaga baxay xafladaha arooska ku bixiyaan goobaha isku imaatinka tacsida. Mid qorsheynaya inuu tacsi dhigto ayaa u sheegay CNN inuu ku bixin doono lacag dhan $15,000-$20,000.
Marka loo eego Madam Awo Yaadonkoh, oo hoggaan ka ah Ururka Kumasi Funeral Criers Association, oo ah mid kale oo ay ku bahoobeen xirfadlayaal ku taqasusay oohinta iyo baroorta, shaqadoodu waxay reerka tacsidu ku dhacday ka caawisaa inay helaan adduun uga soo xerooda booqashada dadka usoo tacsiyaynaya.
“Habka xirfadaysan oo aan oohinta iyo baroorta u muujino ayaa ku qasbaysa dadka tacsida yimaada inay bixiyaan wixii jeebkooda ku jira,” ayay tiri. “Waana sababta ugu weyn oo naloo kiraysto.”
Waxa xiisaha leh oo xirfadooda soo jiidashada u yeelay ayaa ah inay qaabab kala duwan u ooyaan sida inay dhulka isku garaacaan, hunqaacaan, kor u qeyliyaan iyo qaabab kale.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!