MUQDISHO (HN) — Muuqaalka haweeney Muslimad ah oo u dhalatay dalka Induniisiya – oo geeriyootay iyada oo aqrinaysa Kitaabka Qur’anka – ayaa aad ugu baahay baraha bulshada dalkaas.
Waxaana qof walba oo daawaday uu Eebbe uga baryay inuu Jannooyinkiisa ku casuumo.
Muuqaalka oo socday 22 ilbiriqsi ayaa la rumeysan yahay in lagu duubay goob xaflad diimeed ay ka socotay. Waxaana la arkayaa haweeneyda oo si aayar ah gadaal ugu sii dhacaysa kahor inta uusan nuxuusin codkii ay ku aqrinaysay kitaabka Quraanka oo labadeeda gacmood ku jiray.
Waxay aqrinaysay bilowga suuratul-Baqara. Markii si kastaba, degdeg loogu qaaday isbitaalka, dhaqaatiirta ayaa ku dhawaaqay inay geeriyootay.
Dad badan oo hooyadan oo kale ah ayaa nasiib u hela inay malagu u yimaado iyaga oo aqrinaya aayadaha Quraanka kariimka ah.
Sannadkii 2017, xaafidul-Quraan Induniisiya u dhashay ayaa dhintay isaga oo aqrinaya kitaabka Quraanka.
You must log in to post a comment.