crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Warshadda ugu weyn Dunida ee soo saarta Kaneeco dhufaanan! | HimiloNetwork

Warshadda ugu weyn Dunida ee soo saarta Kaneeco dhufaanan!

MUQDISHO (HN) – Dadaal ay Brazil ku doonayso inay ku ciribtirto ama ay hoos ugu dhigto xanuunka qandhaha la yiraahdo Dengue awgeed, waxaa dalkaas laga dhisay warshadda ugu weyn caalamka oo soo saarta kaneecada – haa dhilmaanyada! Waxayna toddobaad walba soo saaraysaa 190 milyan oo kaneeco ah.

Magaalada Campinas ee gobalka Sao Paulo ayaa laga dhisay warshaddan oo ku fadhisa bed gaaraya 1,300 oo mitir isku wareeg ah halkaas oo ay ka howlgalayaan shaqaalo tirada oo habeen iyo dharaar ka shaqeynaya in ku dhawaad 200 oo milyan oo kaneeco ay nolol kusoo gaaraan qaangaarnimo kahor inta aan dib loogu tarmin qaab kale oo aan waxyeeli karin bani-aadanka. Waa qeyb kamid ah qorshe looga hortagayo xanuunka iyo faafitaanka Dengue fever. Marka marxaladda ay joogaan, kanaceeda Aedes aegypti oo ah midda faafisa qandhada iyo xanuunnada lala xiriiriyo Dhilmaanyada waxaa dhasheeda lagu duraa bakteeriyo la yiraahdo Wolbachia taas oo ka hortagaysa in xanuunka Dengue uu jirkooda ku horumaro kadibna ugu sii gudbo bani-aadanka. Marka ay kaneecadu dhalaysaba waa goor hore dhasheeda lagu soo tallaalay Wolbachia mana lahan awoodda ay dadka ku qaadsiin karaa xanuunka Dengue fever.

Gudaha warshadda ayaa lagu diyaariyay qalabyo kala duwan oo lagu kobcinayo laguna karantiilayo kaneecada si ay ula qabsato bakteeriyada lagu duray, waxaana mararka qaar la siiyaa dhiigga xoolaha iyo waxyaabo kale oo macaan. Waxay ku jirayaan muddo afar toddobaad ah gudaha warshadda si loo tarmiyo kadibna waxaa tarantooda dib loo siinayaa xurriyadooda.

Habka Wolbachia waxaa horay looga adeegsaday dunida, laakiin qaab aan horay ayuu dalkan dhaca koofurta Amerika hadda usoo saarayaa kaneecooyin dhufaanan! 100 milyan oo dad ah ayaa ka faa’iidaya wax soo saarka warshaddan sannad walba.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!