Hooyo inanteeda ku dartay nin 40-jir ah si uu daryeel u siiyo geerideeda kadib

Harare (Himilonews) – Hooyo ayaa gabadheeda u guurisay nin 40-jir ah khiyaar la’aanteeda. Hooyada 44-jirta ah ee u dhalatay Zimbabwe waxaa lagu xukumay shan bilood oo xarig ah markii ay gabadheeda u guurisay nin 40-jir ah.
Hooyada oo aan la heyb-sheegin si looga hortago in la ogaado badqabka inanteeda ayaa sheegatay inay gabdhadeeda u guurisay nin ka da’weyn si ay u badbaadiso mustaqbalkeeda – marka ay dhimato.
Hooyada ayaa u sheegtay maxkamadda in laga calaamadeeyey cudur halis ah loona sheegay inay geerideedu dhowdahay. “Mana doonayo inaan gabdhadeeda cidlo uga tago; iyada oo aan heysan qof daryeela,” ayay tiri.
Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysatay in hooyadani ay isku deynay inay inanteeda u guuriso Jelias Nyika – wayse ku gacan-seyrtay.
Si kastaba, hooyada ayaa gabadha ula kacday guriga Nyika halkaas oo guurku ka dhacay.
Kiiska ayaa soo shaac-baxay markii ayeeyada gabadha ay booliska u sheegtay falka taas oo keensatay in la xiro hooyada iyo caruuska.
Nyika waxaa lagu riday xukun ah 24 bilood oo xarig ah, hooyadana shan bilood.
Sanadkii hore, Zimbabwe waxaa ka dhaqan-galay sharci mamnuucaya guursiga gabdhaha ka yar da’da 18-jirka.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!