MUQDISHO (HN) – Nin u dhashay Shiinaha ayaa lagu tilmaamay hunguri-weyne dhuuni ah kaddib markii uu is hortaagay mashruuc lagu dhisi lahaa dhabbe tareen oo ku kacaya 38billion yuan – sababtuna waa inuu iska diiday in laga iibiyo guri uu lahaa oo iska caadi ah. Waayo wuxuu dalbaday lacag ka badan hal milyan oo yuan oo aad uga tiro badan lacagtii caadiga ahayd oo looga iibsaday dadka deegaanka guryahoodii ku teedsanaa jidka dheer ee tareenku marayo.
Dhammaan dadkii la deganaa xaafadda ninkan, waxay aqbaleen in laga iibsado ama dib-u-dejin looga sameeyo meelo kale oo deegaanka kamid ah.
Lahaanshaha dhuleed iyo milkiyadda gaar aheed ee muwaadinka Shiinaha waa mid sugan oo qofka aan lagu qasbi karin in laga raro ama sifo kale oo aanu raali ku ahayn looga qaato gurigiisa. Sida kaliya oo loogala wareegi karo dhulkiisa waa in laga iibsado. Mana ahan sheekadan mid ugub ku ah wararka dalkaas. Qaar ayaa doorta in laga iibiyo kuwa kale, sida ninkan, waxay doortaan in la siiyo lacag ka badan inta uu dhulkooda qiimo ahaan ku kacayo.
Markii si kastaba, ay isku gacanseyreen, dowladda ayaa labada dhinac ee gurigiisa ka dhistay dhabbihii tareenka, waxaa go’doon adag galay mulkiilihii guriga oo waayay dhinac uu ka neefsado. Hadda wuxuu ku qasban yahay inuu u gegsado sawaxanka iyo qeylo-dhaanta tareenka marwalba oo uu kusoo dhow ama ag marayo.

HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.