MUQDISHO (HN) – Dhismo qadiimi ah oo musqul ahaan loo dhisay sannadkii 1895 kuna yaalla dhulkiisa hoostiisa – dushiisana ay gaadiidku maraan – ayaa hadda loo aqoonsaday inuu yahay hoteelka ugu yar adduunka. Wuxuuna ku yaalla magaalada Oxford ee dalka Ingiriiska.
Hayeeshe, 115 kaddib ku dhawaad oo ay musqul ama suuli u ahayd dadweynaha, waxaa iridaha la iskugu dhuftay sannadkii 2008. Balse 16 sano kaddib waxaa mar kale loo beddelay hotel ay ku diyaarsan yihiin dhammaanba adeegyada ay bixiyaan hoteellada caadiga ah. Halkii habeen waxaa lagu jiiftaa £170 ($227). Waxaana macmiilku ku helayaa gudaheeda cunno fudud, jiif macaan iyo waaya’aragnimo ugub ah oo uusan horay usoo arkin. Qofku marka uu wax u baahdo wuxuu wacayaa nambar fudud oo loogu dhex diyaariyay si dalabkiisa loogu keeno ama wixii uu tabanayo looga jawaabo.
“Waxaan doonaynay inaan aragti kale ka dhex abuurno dhismahan yar ee soo jireenka ah kaas oo xusuus macaan ku reebi kara dalxiisaha iyo daltabaha intaba,” ayuu yiri Pinheiro.
“Waa hal-abuur kale oo aan ku dhowraarinayno ama ku ilaalinayo raadadka taariikhdii hore ee Oxford.”
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.