crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Madrasooyinku waa ilaha argagaxisadu kasoo farcamaan” – Wasiir Hindi ah. | HimiloNetwork

“Madrasooyinku waa ilaha argagaxisadu kasoo farcamaan” – Wasiir Hindi ah.

MUQDISHO (HN) – Wasiir kamid ah gobalka Utter Pradesh ayaa – isaga oo aan caddaymo u heysan sheegadiisa – wuxuu Muslimiinta ku tilmaamay argagaxiso soo koraysa oo u baahan in si dhow loo maamulo. Waxay arrintani daba soctaa qarixii dhawaan ka dhacay Delhi oo dowladda Hindiya ay ku eedeysay dalka Pakistan.

“Muslimiinta wax-bartay waa argagaxiso soo koraya,” ayuu yiri. “Maxaa laga filan karaa marka kuwooda wax-magaratada ah.”

Hadalkiisa ayaa lagala horyimid canbaareyn kulul iyo dhaleeco dhinacyada mucaaradka intooda badan iyo xubnaha Muslimiinta ku metela ka imaanaysa.

Mamnuucid

Wuxuu masaajidda iyo xarumaha kale ee barashada diinta Islaamka sida madaarista ku sheegay goobo saldhig u ah argagaxisada oo mudan in fiiro gaar ahaaneed loo yeesho. Mana ahan markiisii koowaad oo uu Madrasooyinka ku sheego xarumo tababbaro loogu sameeyo argagaxisada ama uu soo jeediyo in dalka oo dhan laga mamnuuco xirashada indha-shareerka.

Xisbiga BJP ayaa inta badan ka shaqeeya sarreynta waxa lagu sheego Hindutva taas oo soo jeedisa in dadka Hindiya ku nool oo dhami yihiin kuwo Hinduus ah. Waxaana uu culeys dhaqaale, mid caqiiddo iyo mid siyaasi ahba ku hayaa bulshada Muslimiinta ah ee Hindiya ku nool kuwaas oo tirada waddanka ka ah 25%.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!