ROMA (HN) — Gilberto Baschiera oo ah maareeyihii hore ee bangi ku yaalla Forni di Sopra oo ah xaafad yar oo ku taal dalka Talyaaniga ayaa lagu naaneysaa Robin Hood Banker kaddib markii adduun dhan 1.5 milyan oo Doollar uu kala baxay koontooyinka maal-qabeennada ay ku lahaayeen bangigiisa si uu ugu caawiyo danyarta aan awoodin amaah-qaadashada inay u helaan ruqsad.
Sheekadiisu waxay soo bilaabatay markii burburka dhaqaale uu ku dhuftay Talyaaniga sannadkii 2009-ka, oo dhammaan nidaamkii lacag-amaahashada bangiyada is-beddel lagu sameeyey. Waxaa laga soo saaray xeerar adag dhanka amaahda.
Sidaas darteed, markii Gilberto uu u yimid kaliyenti danyar ah oo degmada ku nool kaas oo raba in lacag yar la amaahiyo, loo suura-gelin aqbalaadda arjigiisa. Wuxuuna Gilberto taas u dareemay xumaato lagula kacayo danyarta. Balse, sida maareeyaal badan, uma jeedin dhabarkiisa, hayeeshe wuxuu lacago kasoo bixiyay koontada mid maal-qabeen ah uga furneyd bangiga, wuxuuna ku riday koontada ninkan danyarta ah.
Taasi waxay nolol cusub u furtay danyarkii oo helay lacagtii uu u baahnaa. Waxaana samafalkiisani uu noqday maalinle mid uu ugu kaalmeeyo kuwa ayaanka liita inaysan ku hungoobin amaahda ay weydiistaan bangiga.
Warkiisan fiicani wuxuu durba ku baahay gudaha magaaladiisa Forni, dadkuna waxay bilaabeen inay kaalmadiisa usoo kala ordaan. Wuxuuna u wada caawiyay sidii kii hore si lamid ah. Wuxuuse u sheegi jiray inay soo celiyaan amaahda durba marka ay helaan. Dhammaantood si niyadsan ayay ugu qanceen, balse qof walba uma gudin deynta sidii loo siiyay.
Toddobo sannadood markii uu sidaan soo waday, Robin ninka lagu naaneysay wuxuu ciqaab ku mutay kaalmadiisa. Waxaana loo dhaadhiciyay jeelka.
In kasta oo sida xaqiiqda uusan waligiis lacag naftiisa ugala bixin koontada maal-qabeennada, falkiisa samafalka ah ayaa noqday mid usoo jiida danbi weyn. Qeyb kamid ah dhageysiga dacwadiisa, waxaa laga laalay xabsiga inuu ku jiro, hayeeshe wali sheekadiisu mayeelin dhammaad farxad leh.
Marka loo eego qareenkiisa, Gilberto wuxuu lumiyay hoygiisa iyo shaqadii uu bangiga ka hayay. “Wuxuu aaminaad badan u fidiyay dadka oo uu moodayay inay iska bixin doonaan amaahda, wuxuuna tani ku helay ciqaabta samafalkiisa,” ayuu yiri.
Waraysi laf ahaantiisa lala yeeshay ayuu ku tilmaamay inuusan ka qoomameynin go’aankii uu ku gaaray kaalmeynta dadka danyarta ah, balse wuxuu si adag u qiray inuusan mar labaad ku dhiirran laheyn ficilkan oo kale haddii fursad kale la siiyo.
You must log in to post a comment.