crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Halyayga Araga la’ ee Xifdisan Qur’aanka kariimka oo dhan! | HimiloNetwork

Halyayga Araga la’ ee Xifdisan Qur’aanka kariimka oo dhan!

MUQDISHO (HN) – Inamul Ali, oo kasoo jeeda xaafadda Tulamati village, gobalka Assam ayaa noqday xaafidul-Qur’an isaga oo weliba kamid ah dadka aan helin nimcada araga. Wuxuu Quraanka ku xifdiyay kaliya qaab-dhageysi ah. Wuxuu macalimiintiisa iyo saaxiibada ardaydiisa ah ka dhageysan jiray aqrintooda aayadaha Qur’anka – marka ay gaarkooda u aqrisanayaan iyo kolka ay isaga u meerinayaan intaba – wuxuuna awooday inuu ugu dambeyntii Qalbigiisu weeleeyo dhammaanba xifdiska Qur’aanka kariimka oo dhan.

Inamul waxaa iska dhalay aabbe Kausar Ali iyo afadiisa Afroza Begum oo aan indhoolayaal ahayn. Isaga oo sannad iyo bar jira ayuu lumiyay ama waayay nimcada araga kadib markii uu ku dhacay cudur. Hayeeshe, taasi kama horjoogsan inuu sumcad iyo magac usoo hooyo labadiisa waalid iyo gebi ahaanba xaafaddiisa.

“Maalintii koowaad oo aan Madrasada aaday, barayaashu waxay igu dhiirrigeliyeen inaan wax baran karo oo aysan jirin wax iga hor taagan, waana inaan xusaa mudnaantooda waayo la’aantood ma noqdeen xaafidul-Quraan,” ayuu yiri Inamul.

Halgan adag ayuu ka maray xaqiijinta guushiisa. Maadama uu waxba aqrin karin, Inamul wuxuu si xoog leh ugu tiirsanaa maskaxdiisa iyo awooddiisa wax xifdinta. Wuxuu marar badan ku celcelin jiray aayad si uu si fiican ugu qeybo oo aysan mar dambe uga lumin.

“Markii hore 4-5 sadar ayaan maalin walba baran jiray,” ayuu yiri. “Laakiin muggii dambe waxaan bilaabay inaan ka dhigto 7-8 sadar.”

Wuxuu si weyn u bogaadiyay una amaanay – kasokow macalimiintiisa – ardaydii uu wax la bartay kuwaas oo uu ku tilmaamay walaalo garab buuxda u ahaa marwalba xattaa haddii ay mashquul ku jiraan.

Deegaan fiican iyo doonis adag

Inamul hooyadiis, Afroza Begum waxay sheegtay inay weligeed jecleyd – kuna taami jirtay inankeeda oo xaafidul-Quraan ah. Waxay tilmaantay in macalimiinta iyo ardaydii uu wax la dhigan jiray ay ahaayeen kuwo hadiyo jeer heegan u ahaa horumarkiisa.

“Wiilkayga markuu yaraa way ku adkeyd inuu iskiis wax u qabsado: waan xusuustaa oo xattaa cuntada inuu cuno waa laga caawin jiray – waxaa jirtay xilliyo aan murugo awgeed la ilmeyn jiray,” ayay tiri.

“Laakiin marwalba oo uu inankaygu sii weynaadaba, wuxuu baran jiray sida la isku debero ama la isku maareeyo xattaa iyada oo aan lala joogin.”

Hadda wuxuu tujiyaa Taraawiixda xilliyada Ramadaanta, wuxuuna ku warwarayaa inuu noqdo Qaari dunida Muslimka caan ka ah iyo daaci diimeed oo Islaamka wax ka faafiya.

Guulaha uu hiigsanayo Inamul waxaa sees u ah dhabar-adeyg, iimaan buuxa, go’aan adag iyo u haliilidda heer ka sarreeya halka uu maanta taagan yahay!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!