Ey dhabarka ka toogtay Ugaarsade dilanayay Shinbir!
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
December 5, 2017
690 Views
Muqdisho – Ugaarsade ayaa dhaawac waxaa kasoo gaaray toogasho aan loo meel dayin oo ey u geystay, marka loo eego booliska Lowa.
Waaxda Ilaha Dabiiciga ee Lowa ayaa sheegay in saraakiisha goobta ay ka war-caliyeen kadib kolkii dhaawac uu ka dhashay toogasho uu sameeyey ey kamid ah ilaalada.
William Rancourt, oo 36 jir ah, wuxuu ugaaranayay shinbiro isaga oo saddex kale markii dhabarka danbe looga dhiftay xabad.
Qoriga xabbadu ka dhacday wuxuu yiilay dhulka markii uu ku istaagay ey kamid ah ilaalada – taas oo sababtay inuu dhaco.
Halhaleel waxaa loola cararay isbitaalka halkaas oo dhaawaca halista leh ee soo gaaray looga dabiibayo.
Xigasho – radiohimilo.so
Related
2017-12-05
You must log in to post a comment.