crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabar is dishay markii saaxiibkeed uu baahiyay sawiradeeda. | HimiloNetwork

Gabar is dishay markii saaxiibkeed uu baahiyay sawiradeeda.

Muqdisho – Gabar ayaa gebi ahaanba dunida isaga quusatay markii saaxiibkeed uu sawirradeeda oo qaawan uu soo dhigay baraha bulshada, marka loo eego booliska Brazil.
Booliska Nova Andradina ayaa sheegay inay sameeyeen baaritaan kadib markii 15-jir lagu magacaabo Karina Saifer Oliveira la arkay iyada oo ku meyday gurigeeda.
Aabaheed, Aparecido Oliveira ayaa sheegay inuu inantiisa kala hadlay sawirradeeda qaawan ee lasoo dhigay internet-ka.
Marka loo eego waalidka Karina, gabadhoodu waxay xiriir wadaag la ahayd wiil 17 jir kaas oo ay wada socdeen taniyo 14-jirkiisii.
Wiilka ayaa ka qaaday sawirro qaawan, wuxuuna ku keydiyay moobilkiisa.
Markii ay kala hareen, wiilku wuxuu barta bulshada soo dhigay halkaas oo ay ku baaheen.
Karina ayaa gebi ahaanba aad uga walaacday waayo sawirrada waxaa wada helay saaxiibadeed. Waxayna go’aansatay inay is disho.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!