crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dameero Xabsiga loo dhigay cunista caleemo qaali ah. | HimiloNetwork

Dameero Xabsiga loo dhigay cunista caleemo qaali ah.

Muqdisho (Himilonetwork) – Milkiilaha dameero ku nool Hindiya ayaa la yaab sunniyaha la taagay markii loo sheegay in boolisku ay xabsiga u taxaabeen dameeradiisa kadib markii ay cuneen caleemo.
Kamlesh oo ku nool Utter Pradesh ayaa sheegay inuu u baxay raadinta dameeradiisa markii uu miriqdooda waayay.
Tirada dameeradiisu waxay gaarayeen 8. Kadibna wuxuu ogaaday inay ku jiraan xabsiga  Urai ee degmadiisa.
Kamlesh ayaa warsaday booliska sababta loo xiray dameeradiisa.
Sarkaal boolis, Mishra, wuxuu diiday inuu dib ugu wareejiyo dameerada – isaga oo u sheegay inay cuneen caleemo qaali ah oo sal-dhigga hortiisa ka baxayay.
Mishra wuxuu sheegay in caleemuhu ay ku fadhiyaan qiimo dhan $8,000.
Booliska wuxuu shaaciyay in Kamlesh dhowr jeer loo diray digniino ku aadan inuu xeyn-daab u yeesho dameeradiisa. Wuxuuse joogto ugu idmay inay banaanada wareegaan.
Ugu danbeyn, 8 dameer waxaa loo fasaxay bannaanka markii ay saddex maalmood ku jireen xabsiga.
Booliska wuxuu baahiyay muuqaal muujinaya dameeraha oo gaaf wareegaya agagaaraha sal-dhiga booliska.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!