MUQDISHO (HN) – Baadari ku nool Honduras ayaa buuq ka abuuray barayaasha bulshada dalkaas kaddib markii la arkay isaga oo mid kamid ah ka qeybgalayaasha kaniisadda ku cadaadinaya inuu gurigiisa u hibeeyo kaniisadda – ‘waayo, waxaa kugu amray Ilaahay inaad sidaas sameysid’ ayuu ku yiri.
Muuqaal aad ugu dhex baahay toddobaadkan baraha lagu xiriiro ee dalka Honduras ayaa la arkayaa Jorge Pompa, oo ah baadariga kaniisadda Tegucigalpa isaga oo qof kaniisadda u yimid inuu ku cibaadeysto ku cadaadinaya inuu gurigiisa (hantidiisa) ku saxiixo kaniisadda si uu uga dhabbeeyo iimaankiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye; hadduu sidaas sameeyana, la abaalmarin doono.
Isku imaatinkii kaniisadda gudaheeda ayuu baadariga si toos u weydiinaya inuu dhulkiisa kusoo wareejiyo kaniisadda – waana, sida uu yiri, amar xagga Eebbe ka yimid isaguna uu riyada ku arkay. Wuxuu ku yiri; “Alle wuxuu ku amrayay inaad dhulkaada kusoo wareejiso kaniisadda – riyada ayuuna iigu yimid.”
Ninkan miskiinka ah ayaa wejigiisa laga dheehan karay inuusan jecleysan dalabka cadaadisku la socdo oo dhulkiisa la doonayo in looga wareejisto. Wuxuu ku yiri: ‘wixii uu shalay Alle ku siiyay ayuu maanta ku leeyahay iisoo celi.”
“Rabbi ayaa ila soo hadlay xalay. Wuxuuna igu yiri: u sheeg ninkaas haddii uu dhulkiisa u hibeeyo kaniisadda inaan siin doono wax ka badan waxa uu heysto,” ayuu ku harawsaday.
“Hadda noo sheeg ma lacag ayaad ka dooranaysa barakada Ilaahay,” ayuu ugu sii daray.
Muuqaalka baadarigan oo aad ugu baahay Honduras ayuu ku mutaystay dhaleeceyn iyo inkaar fara badan oo lagu riday maadaama uu duruufta iyo diin-ku-ganbashada uga faa’iideysano nin danyar ah oo hanti oo dhan ka heysta guriga uu degan yahay. Waxayna dalbadeen in maxkamad lasoo taago si loogu qaado jujuubka maskaxeed oo uu ku sameeyey ninkaas.
“Diinta ayuu ugu soo dhuumanaya dadka ee hala iska qabto,” ayuu soo qoray mid kamid ah dadkii caraysnaa.
“Waa muhiim inay kala saaraan dacwada iyo dantooda gaarka ah oo ay diinta ku qunsanayaan.”
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.