MUQDISHO (HN) – Ramadaantii lasoo dhaafay waxay xusuus lama ilaawaan ah u ahayd Masjidka Seol ee dalka Koofur Kuuriya. Waayo maalintii koowaad ee bisha Soonqaad, 17 qofood ayaa Shahaadada loogu qabtay – iyaga oo kamid noqday bulshada Muslimiinta ah.
Munaasabadda ayaa lagu qabtay gudaha Masjidka Seoul Central halkaas oo la arkayay dad haween iyo rag iskugu jira oo aqrinaya aayado kamid ah Quraanka kariimka kahor inta aysan wadajir ugu dhawaaqin kelmadda Tawxiidka.
Ururka Muslimiinta Kuuriya ayaa muuqaal ay soo dhigeen barta Facebook ku baahiyay dhacdadan Shahaadada ama kelmadda Tawxiidka loogu qabtay 17-kaas qofood. Qaadashadooda diinta Islaamka ayaa timid markii loo qabtay dawro ama aqoon-kororsi diimeed ku saabsanaa Islaamka iyo kelinimada Eebbe iyo dabcan ku dhaqankeeda guud ahaan.
Muslimiinta Kuuriya waxaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan 200,000 oo qofood kuwaas oo isugu jira kuwo dalka u dhashay iyo qaar kale oo soo-galooti ah.
Dhacdadani waxay mar kale iftiiminaysa sida Islaamku boos weyn uga helayo dalka Kuuriyada koofureed oo kamid ah dalalka is-dilku ku badan yahay iyo cabidda khamriga.
Dadka Kuuriyaanka ah ayaa xiiseynaya inay wax ka bartaan diinta Islaamka. Waxaana jira dad caan ah oo uu kamid yahay Youtuber-ka Da’ud Kim oo qaatay Islaamka kadibna bilaabay inuu bartiisa kusoo baahiyo sheekooyinka ku saabsan sababtii uu kusoo muslimay iyo sida looga mid noqon karo bulshada Islaamka.
Wuxuuna cod iyo farriin nool u noqday dad badan oo aan horay u maqal una arag qofkood Kuuriyaan ah oo kala hadlaya Islaamka iyo Muslimiinta.

HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.