MUQDISHO (HN) – Dad badan waxaa ku adag inay socod ku fuulaan meelaha sare ama buuraha, laakiin nin Shiinees ah ayaa dunida ka yaabsaday markii la arkay isaga oo – beddelkii lugihiisa – adeegsanaya gacmihiisa si uu ugu fuulo buur kamid ah buuraha ugu kulantida badan Shiinaha – micnaha waxaa uu lugo ka dhigtay gacmihiisa si uu u koro buurta.
Ninkan 38 jirka ah oo la yiraahdo Sun Guo Shan wuxuu bilaabay tababbarkan bishii May sannadkii 2023, balse sannadkii hore ayuu tijaabo-geliyay wixii uu usoo tababaranayay oo ah inuu mar un gacmo-socod ku fuulo buurta. Sun Guo wuxuu katirsan yahay bahda wax-barashada. Wuxuu dareemay faa’iidada faya-qabnimada ama caafimaadka markii uu dilaacay xanuunka Covid-19. Wuxuuna go’aansaday inuu horboodo ol’ole ku saabsan waxtarka jimicsiga iyo inuu sidoo kale, gaar ahaantiisa, soo hooyo guul ama magac la taaban karo.
Bishii May Sannadkii hore ayuu si kastaba qaaday tallaabtii ugu horreysay. Wuxuuse indhaha caalamka soo jiitay sannadkan 2025 markii la arkay isaga oo gacmo-socod ku fuulaya buur dhererkeedu gaarayo 1,612 mitir. Waxaana muuqaalkiisu uu ku baahay dunida oo dhan.
“Waxaan doonaya inaan dalkayga dunida ku metelo aan hibadayda cusub uga faa’iideeyo,” ayuu yiri. “Waxaan sidoo kale qorsheynayaa inaan diiwaanka Buugga Dhacdooyinka Dunida ku galo inaan noqdo qofkii ugu horreeyey oo buuraha ku fuula isaga oo adeegsanaya gacmihiisa.”
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.