crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 87

Wararka

Markay qoysku dib u midoobaan

Beijing (Himilonews) – Hooyo iyo labadeeda gabdhood oo weynaaday ayaa isla ilmeeyay markii ay nolosha ku midoobeen 28 sanadood kadib markii ay kala irdhoobeen. Nasiib-darro, gabdhuhu ma awoodin inay arkaan aabahood maadaama uu mar hore geeriyooday. Hooyada oo 72s sano jirta laguna magacaabo Chen Jiaxiang ayaa isku nabtay gabdhaheeda markii ay habeysay iyada oo sheegtay inaysan abid ku riyoon inay dib ...

Read More »

Marka uu Jiirku wax xado

Beijing (Himilonews) – Milkiilaha baqaar ku yaalla Shiinaha kaas oo Jiir ku qabtay isaga oo bariis ka xadaya ayaa xirxiray kadibna ku bahilay dadweynaha hortooda – taas waa sida loo qoray war ay baahisay warbaahinta gudaha ah ee Shiinaha, marka loo eego sawirrada oo lasoo geliyay baraha bulshada. Falkan ayaa ka dhacay Heyuan kadib markii ninkani uu arkay Jiirka oo cunaya ...

Read More »

Cunug afar lugood iyo laba xubno taran leh oo ku dhashay Hindiya

Delhi (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Hindiya ayaa dhashay wiil leh afar lugood iyo laba xubno taran ah, marka loo eego dhaqaatiirta isbitaalka. Dr. Virupaksha T oo kamid ah dhaqaatiirta Dhadeasugure Primary Health Centre (PHC), ayaa sheegay inuu joogay markii haweeneyda 23-jirta ah ay dhashay dhallaan wiil ah oo leh afar lugood iyo laba xubno taran ah. Cunugan oo aan ...

Read More »

Kaalinta adeegsiga Bajaajta iyo aragtida bulshada

Muqdisho (Himilonews) – Subax kasta markuu waagu dillaaco, jidadka degmooyinka iyo laaamiyada waaweyn ee caasimadda Muqdiso waxaad ku aragtaa tiro gaadiid yaryar oo saddax lugaley ah taas oo qaadi karta ugu yaraan saddax qofood iyo darawalka laguna magacaabo Bajaaj. Waxaana awooday inay ku shaqeystaan kumaakun da’da u dhaxeysa 20-45 jir oo uu kamid yahay Maxamed Noor Sheikh Ali oo ku ...

Read More »

Kaalin sidee ah ayay soo galeen goobaha lagu xanaaneeyo carruurta?!

Muqdisho (Himilonews) – Maqalka aad maqlaysaan waa carruur aad u yaryar oo aqrinaya xadiis Nabi. Balse hamoodin inay joogaan dugsi Qur’ankii badi dadkeennu diinka kusoo barteen – hana u qaadan inay ku jiraan iskoolladii heerka dhexe iyo sare isugu jiray. Waa goob xanaano ah oo carruur abaydin ah lagu ababiyo oo la yiraahdo Muqdisho International oo ku taalla Taleex, degmada Hodan ...

Read More »

44-guurada Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo la xusay

Muqdisho (Himilonews) – Xaflad lagu weyneynayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka suxufiyiinta qaranka iyo daladda SOMA ayaa lagu qabtay Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee saxaafadda oo iskugu jira rag iyo dumar; qorayaal Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo madasha soo xaadiray ayaa si farxad leh uga sheekeeyey mudnaanta ay ku fadhiso maanta oo kale. ...

Read More »

Wali ma maqashay suuqa dadka meydadka ‘Souq of the dead’?!

Jeddah (Himilonews) – Waxaa jira suuq caan ah oo dhaca magaalo xeebeedka Jiddah ee dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Suuqa Meydadka kaas oo lagu iibiyo dharka ay sidan jireen dadka dhintay. Suuqa ayaa dacalka ku haya suuq-weynaha al-Sawaariikh ee galbeedka Jiddah. Sababta ka danbeysa magacan ayaa ah in dharka badi la keeno halkan ay yihiin kuwo ay kusoo deeqeen xigtada ...

Read More »

Lakulan ganacsadaha lacagtiisa ku bixiya guurinta gabdhaha agoomada ah ee Hindiya

Mumbai (Himilonews) – Gudaha Hindiya, waxaa aalabaa la fishaa in reerka caruusadda ay lacagtooda ku bixiyaan galbinta iyo guurinta inantooda. Hayeeshe marka gabadha oo yar uu aabaheed dhinto, iyadana waxaa ka dhinta rajada ah inay noqoto marwo lamaane nololeed hesha. Inta badan haweenka laga dhinto waxaa ku adag inay gabdhahooda guur u yagleelaan. Balse booskaasi waxaas soo buuxinaya ganacsade Mahesh Savani. ...

Read More »

Lakulan: Ninka musmaarrada ka xaaqa jidadka

Bangalore (Himilonews) – Jebakumar waa nin yool ku socda. Taniyo sanadkii 2012, wuxuu go’aansaday in waqtigiisa nasiinada uu jidka weyn ee magaalada Bangalore ee dalka Hindiya ka xaaqo musmaarro ay soo dhigaan goomiistayaal si kas ah ugu soo daadiya – iyaga oo raba inay lacag ka sameeyaan dayac-tirka lugaha baabuurta. Shantii sano ee ugu danbeysay, Kumar wuxuu sheegtay inuu jidadka ...

Read More »

Markay Lo’du gasho booska Fardaha

Muqdisho (Himilonews) – Kadib markii loo sheegay inaysan hanan karin faras – waayo waa qaali, 11-jirta lagu magacaabo Sarah Simpson, waxay go’aansatay inay isku daydo waxa xiga ee ugu fiican – oo ah inay kaxayso Lo’da. Hadda, Sarah, oo 18-jir ah, waxay faraskeeda gaarka ah u heysataa lo’. Waxay ku gashaa orodada lo’dan oo lagu magacaabo Lilac sida dhiggeeduba u adeegsadaan faraska. Sarah ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!