crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> February | 2019 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: February 2019

Haweeney sida Canbaha u leefta Saabuunta!

MUQDISHO (HN) — Waxaa jirta haweeney Induniisiyaan ah oo sida canbaha u leefta saabuunta lagu qubeysto nuucyadeeda kala duwan. Khosif Assyifa oo 21-jir ah waxay caan ka noqotay barta Instagram-ka. Waxay muddo badan barteeda soo gelisaa muuqaalo muujinaya iyada oo leefaysa saabuun kaddibna sheegeysa sida ay ula dhadhamayso marka ay leefsato. Waxayna u muuqataa mid ku raaxaysanaysa muudsiga saabuunta. Waxayna ...

Read More »

La kulan – Feeryahanka Hal-gacan ku feertama!

MUQDISHO (HN) — Nolosha Vaggelis Chatzis waa halgamayaasha aan sheekooyinkooda la werin. Isaga oo yar ayaa laga jaray xoogga gacantiisa xusulka ku siman. Wuxuuna noqday feeryahan ku diriri kara hal-gacan oo la-yaab leh. Maadaama uu gacan-laawe ahaa, carruurta qeyrkiisa ah waxay ugu yeeri jireen ereyo ka-dhan ah sida gacamey. Taasina waxay runtii dhaawacaysay qalbigiisa. Balse geesta kale waxay ka caawisay ...

Read More »

Nolosha Xayawaannada ku nool Istanbul oo la horumarinayo.

ISTANBUL (HN) — Daryeelka noolaha waa mid ku weyn Shareecada Islaamka, hayeeshe looma sinna soo dhaweyntooda, marka laga reebo dadka magaalada Istanbul – iyaga oo xayawaanada la nool u diyaariya raashiinka ku habboon cunno ahaan, siiyana gabbaad ay kaga hoydaan heerkulka cimilada. Si lamid ahna, dowladda hoose ee Istanbul ayaa bilowday adeegga caafimaadka Vetbus kaas oo xayawaannada la-dayacay iyo kuwa ...

Read More »

Muslimiinta Vienna oo cunnooyin bisil la gaaraya darbi-jiifta.

VIENNA (HN) — Koox dhalinyaro Muslimiin ah ayaa raashiin bisil la gaaraya dadka danyarta ah ee ku sugan gidaaradda caasimadda Austria xilliga qaboobaha uu kulaalayo. “Mashruucan oo kale, wuxuu dirayaa farriin ah in Muslimiintu aysan dhinac uga nooleyn dalkooda balse ay qeyb ka yihiin xalinta mushkiladaha bulshada guud ahaan ay wajahayaan,” ayuu yiri Batur oo kamid ah Guddiga RAHMA Austria. ...

Read More »

Waayeel British ah oo ku Islaamay gudaha Turkiga.

MUGLA (HN) — Oday reer Britain ah oo muddo afar iyo toban sannadood ah ku sugnaa dalka Turkiga ayaa qaatay diinta Islaamka – kaddib muddo badan oo uu la dhacsanaa akhlaaqda, dhaqanka iyo tacaaliimta Islaamiga ah. Cliff Peter Barber, oo 72 jir ah, kaas oo deganaa magaalada fethiye ayaa sheegay inuusan ku kadsoomin go’aankiisa ah qaadashada diinta Nabadda iyo Jaceylka. ...

Read More »

Masjid ATM casri ah u soo saaraya dadka danyarta ah.

Kuala Lampur (HN) — Masjid ku yaalla caasimadda Malaysia ayaa horay u qaadaya tallaab sahlaysa in qofku – isaga oo adeegsanaya aaladda ATM-ka Bangiyada – sakada raashiinka siiba bariiska ku bixin kara qaab sahlan, sida laga soo xigtay Channel New Asia.Mashiinka oo la dhigay Masjidka al-Akram waxaa loogu dawgalay in yabooha zakada loogu ururiyo bulshada Asnaf kuwaas oo inta badan ...

Read More »

Qashinka Caasimaddeenna Kheyraad ma u beddelnaa?!

BANADIR (HN) — Muqdisho waxay ugu danbeyn u dabaal-degaysaa ahaanshaha kaalinta koobaad ee caasimadda ugu nadaafad-darrida badan caalamka. Guusha dadaalkaas waxaa si wadajir ah u dhaliyay dhammaanba madax iyo mijo oo iska kaashaday inay muraayaddii dalka si adag u xejisato booskeeda weyn. Halganka loogu jiro sii wasaqeynteedana wuxuu kusii socdaa si aan horay loo arag. Dhab ahaan, gees walba oo ...

Read More »

Halyey Xaaji Ali – Halgamaaga Nadaafadda Caasimadda.

MUQDISHO (HN) –– Baba Xaaji Ali waa nin hadaf ku taagan. Subax kasta markuu waagu dillaaco wuxuu soo qaataa agabkiisa isugu jira iskoobe, qashin-gure iyo baaldi. Shaqadiisu waa in qeyb kamid ah jidadka dheer ee Makka al-Mukarrama oo ku dherersan xaafadiisa uu ku hubsado bilicsanaan iyo nadaafad. Afartii sannadood ee lasoo dhaafay ayuu soo waday shaqada samafalka ah. Isaga ahaanna, ...

Read More »

Ciriiriga Jidka Wadnaha – Dhibaato aan wali Xalkeeda laga arrinsan!

MUQDISHO (HN) — Ciriiriga ka jira Waddada Wadnaha wuxuu u muuqdaa mid aan kala joogsi laheyn waqti walba laga bilaabo markuu waagu dillaaco iyo gabbal-dhaca. Bu’da juqraafi ahaaneed oo ay ku taallo iyo la’aanta nidaamka taraafikada waddooyinka oo aan sidii looga baahnaa u shaqeyneyn ayaa ka dhigtay mid maritaankeedu kugu qaadan karo ku dhawaad nus saac inaad ku dhaafto. Balse ...

Read More »

Lammaanayaal Xafladda Arooskooda ka qeyb-geliyay Darbi-jiifta.

LONDON (HN) — Si xusuusta guurkooda ay uga dhigaan mid aan la ilaabin, lammaanayaal Muslimiin Britain ah ayaa farxadda xafladda arooskooda la wadaagay dadka darbi-jiifta ah ee ku nool gidaaradda caasimadda London – iyaga oo u qeybiyay cunnooyin kala ceyn ah. “Waxaan rabnay inaan farxadda iyo mahad-celinta maalinteenna weyn la qeybsado qeybaha bulshada oo aan cidlo looga tagin qolo gaar ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!