crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> December | 2018 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: December 2018

Meel ka fog Dhulkooda, Carruurta Uygur waxaa lagu barayaa Afkooda iyo Diintoodii loo diiday inay bartaan!

ISTANBUL (Himilonetwork) – Meel kumaankun mile u jirta guryahooda, carruurta Uygur sida Shkur Abliz waxay ugu danbeyn helayaan fursado ay ku bartaan afkooda hooyo iyo barashada diinta Islaamka gudaha Iskuulka Tangnuri ee caasimadda  Istanbul – barashada luqadda ama afka Uygur iyo Qur’aanka ayaa labadaba laga mamnuucay gudaha gobalka Xinjiang ee Shiinaha. Asya Abliz, oo ah hooyada dhashay Shkur waxaa ka go’an inay wiilkeeda ku ilaaliso ...

Read More »

Nin – Si uu usoo jiito Hablaha – Isaga dhiga Boolis Dhab ah oo Xabsiga la dhigay!

MUQDISHO (Himilonetwork) – 21 sano jir Induniisiyaan ah ayaa muddo badan xirnaa uniform-ka booliska iyo biskooladda saraakiisha, si uu iskaga dhigo nin ciidan. Wuxuu intaas oo dhan u sameynayay inuu kusoo jiito gabdhaha ulana sameeyo xiriir gogol-dhaaf ah. Balse ugu danbeyn waa la xiray. Waxaana uu hor-tagi doonaa maxkamadda maalmaha soo aadan. Ari Septian Pratama, oo ah 21 jir ku ...

Read More »

La kulan – Gabadha UGU dheer Dalka Shiinaha!

MUQDISHO (Himilonetwork) – Inaad aragto Zhang Ziyu oo – iyada oo la socta saaxiibadeeda fasalka – dusha sare la heysata marka ay u socdaan iskuulkooda  Cultural East Road ee Jinan, dalka China, waxaa kugu adkaaneysa inaad rumeysato in dhammaantood wada dhigaan fasalka lixaad ee dugsiga hoose. 11 sano jirta Zhang waxay dheer tahay  6ft 7in, qaar ayaana rumeysan inay tahay gabadha ugu dheer adduunka. ...

Read More »

La kulan – Ardaygii loo takooray Xanuunka uu qabo Awgiis!

Beijing (Himilonetwork) – Macalim Shiinees ah oo dugsiga hoose dhiga ayaa dhawaan laga fiijiyay ‘eryey’ shaqada kaddib markii uu takoor ku sameysay arday qaba cudurka Kansarka – isaga oo qeybta danbe ee fasalka ku karantiilay. Macalinkan ayaa tan iyo markii loo soo wareejiyay iskuulka Liancheng, Quanzhou, gobalka Fujian, wuxuu ka ashtakoonayay wiilka si loogu wareejiyo labadiisa waalid – iyaguna ay u siiyaan ...

Read More »

Yuusuf Islam – “Doorkeennii lumay ee Dunida aan soo celino!”

ISTANBUL (Himilonetwork)  – Yusuf Islam, oo ah Muslim u dhashay dalka Britain kaas oo markii hore la dhihi jiray Cat Stevens ayaa ku bogaadiyay Dunida Muslimka inay sare u dhigaan hankooda iyo hiigsiga ku jira. “Way adag tahay in la helo dal Muslim ah oo soo saaraya sancada diyaaradaha, gaadiidka iyo telefeshannada,” ayuu yiri Yuusuf, sida laga soo xigtay Anadolu Agency. “Dunida Muslimka ...

Read More »

Masjidka Malmo ee Sweden oo Quudinaya Dadka Darbi-jiifta ah!

MALMÖ, Sweden (Himilonetwork) – Masjidka Malmo oo ah midka labaad ee ugu da’da weyn dalka Sweden ayaa cunno iyo hu’ u qeybinaya dadka darbi-jiifta ah xilliga qaboobaha uu soo darsaday, sida ay soo xigatay World Bulletin. “Masjidka Malmo wuxuu cunno ku filan siinayaa darbi-jiifta, qofna looga tagi maayo gaajada,” ayay tiri Eva, oo kamid ah xubnaha guddiga Masjidka. “Waddooyinka waxaan ku ...

Read More »

Masjid ku yaalla Malaysia oo soo jiidanaya Indhaha Dalxiisayaasha Caalamka.

BESUT (Himilonetwork) – Kaddib lix sano oo la dhisayay, hadda Masjidka Eight Dome oo dhaca xaafadda Kampung Lapan Kotak, galbeedka Malaysia, wuxuu si mid ah usoo jiidanayaa indhaha Muslimiinta gudaha iyo dalxiisayaasha dibadda uga yimaada dalka. “Dadku waxay ilaa dhinaca waqooyi ee dalka uga yimaadaan Masjidkan si ay ugu dhex tukadaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo xigatay Bernama News Agencies. “Jiritaanka Masjidkan ...

Read More »

Tuug Xaday Laptop oo Farriin Raali-gelin ah u diraya Milkiilihii uu ka dhacay!

London (Himilonetwork) – Arday Jaamacad dhigta kaas oo dhawaan laga xaday laabtobkiisa, ayaa lagu soo warramayaa inuu helay farriin raali-gelin ah oo kaga timid tuugii dhacay – halkaas oo uu ku sheeganayo inuu u dhacay sabab faqri oo uu la noolaa. Farriin-danabeedkan raali-gelinta ah ayaa ku baahday baraha bulshada kaddib markii wiilka degan magaalada Birmingham ee Stevie Valentine uu muuqaalka qoraalkeeda la ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!