crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> January | 2017 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: January 2017

Haweeney 8 sano ku dhex nool gegi dayuuradeed

Singapore (Himilonews) – Haweeney 50-jir ah ayaa ku dhex nooleyd gegida caalamiga ah ee Changi Airport ee dalka Singapore muddo 8 sanadood ah tiiyoo ay lahayd guri kiro ahaan bishiiba looga qaado 1,000$. Haweeneyda oo codsatay inaan la heyb-sheegin ayaa u sheegtay warsidaha Singapore Lianhe Wanbao in sanadkii 2008 ay iyada oo ka cararaysa dhibaato maaliyadeed soo wajahday ay halhaleel ku ...

Read More »

Lakulan: Ninka musmaarrada ka xaaqa jidadka

Bangalore (Himilonews) – Jebakumar waa nin yool ku socda. Taniyo sanadkii 2012, wuxuu go’aansaday in waqtigiisa nasiinada uu jidka weyn ee magaalada Bangalore ee dalka Hindiya ka xaaqo musmaarro ay soo dhigaan goomiistayaal si kas ah ugu soo daadiya – iyaga oo raba inay lacag ka sameeyaan dayac-tirka lugaha baabuurta. Shantii sano ee ugu danbeysay, Kumar wuxuu sheegtay inuu jidadka ...

Read More »

Ol’ole lagu baahinayo fahamka diinta Islaamka oo ka socda Kanada

Toronto (Himilonews) – Ol’ole cusub oo dadka loogu yeerayo inay la shaahaan kanala hadlaan qof Muslim ah diinta Islaamka iyo aragtida sirgaxan ee dadka reer Yurub ka qabaan ayaa guulo la taaban karo kasoo hoynaya guud ahaan dalka Kanada – halkaas oo badigood kuwo aan Muslimiinta ahayn soo dhaweeyeen tallaabtan cusub. “Waa la yaab sida falkan usoo jiitay indhaha dadka ...

Read More »

Nin Muslim ah oo dadka baahan lacag la’aan ku quudiya

Ontario (Himilonews) – Muslim u dhashay dalka Kanada ayaa albaabada u fura dadka baahan ee aan heysanin cunno ay cunaan – iyo qofka kasta oo aan heysanin lacag uu ku cuno hunguri deeqa. “Dadku marar qaar way kuu imaanayaan, mana ka ogaan muuqooda midka baahan iyo kan dhargan, wayna xishoonayaan. Marka waxaan cunno kariyaha u sheegnay inuusan waxba su’aalin, inay ...

Read More »

Markay Lo’du gasho booska Fardaha

Muqdisho (Himilonews) – Kadib markii loo sheegay inaysan hanan karin faras – waayo waa qaali, 11-jirta lagu magacaabo Sarah Simpson, waxay go’aansatay inay isku daydo waxa xiga ee ugu fiican – oo ah inay kaxayso Lo’da. Hadda, Sarah, oo 18-jir ah, waxay faraskeeda gaarka ah u heysataa lo’. Waxay ku gashaa orodada lo’dan oo lagu magacaabo Lilac sida dhiggeeduba u adeegsadaan faraska. Sarah ...

Read More »

Shiinaha: Markuu doobku waayo Adduun uu ku guursado

Beijing (Himilonews) – Tira-yarida dhedigta ah ee ku nool Shiinaha oo ay sababtay siyaasadda Hal Dhal ee dalkaas muddaba sharciga ka ah ayaa sababtay sara u kac inuu ku yimaado Gabaatiga ama Yaradka laga bixiyo gabdhaha – taas oo dhibaato ku keentay da’yarta ku nool miyiga fog ee Shiinaha. Kororka ku yimid tirashada wiilasha iyo liica ku dhacay gabdhaha oo aad ...

Read More »

Nin lagu xukumay inuu sabaayad u iibiyo boolis oo uu aflagaadeeyey

Australia (Himilonews) – Nin aflagaaddo kula kacay saraakiil boolis ah xilli uu cabsanaa ayay maxkamad ku taalla Australia ku xukuntay inuu sabaayad, cabitaan iyo cunno kale u iibiyo. 48-jir ku nool magaalada Melbourne ee Australia oo magaciisa la sheegin ayaa meel-ka-dhac iyo aflagaado kula kacay laba sarkaal oo booliska katirsanaa mar uu ka yimid baar qamri lagu cabo. Mar lagu ...

Read More »

Dadka la baxaya magaca Donald Trump oo soo badanaya

Muqdisho (Himilonews) – Qoyska ku nool dalka Ciraaq ayaa noqday dadkii ugu danbeeyey ee ilmahooda u bixiya magaca madaxweynaha cusub ee loo doortay Maraykanka, Donald Trump. Xilli Trump uu isku diyaarinayo inuu majaraha Aqalka Cad ku wareego maalmo kaddib, qoyska Hassan Jamil oo ku nool dalka Ciraaq ayaa wiilkooda u dhashay waxay u bixiyeen Trump si ay u muujiyaan taageerada ay u ...

Read More »

Freeman oo Aadaanka ku tilmaamay codadka ugu macaan dunida

California (Himilonews) – Jilaaga Hollywood-ka Morgan Freeman ayaa sheegay in dhawaqa Aadaanka salaadda ee Muslimiinta uu yahay mid kamid ah codadka ugu quurx badan dunida oo dhan. Faalladan ayuu tiraabayay mar uu booqasho ku tagay masjid ku yaalla gudaha Maraykanka isaga oo ka qeyb-galaya madal looga hadlayay diimaha kala duwan ee Samaawiga ah iyo xiriirka ka dhaxeeya. Gudaha muuqaalka, Freeman ...

Read More »

Ciidamada Muslimiinta Maraykanka oo loo ogolaaday deysiga garka

Washington (Himilonews) – Muslimiinta Maraykanka ee katirsan ciidamada kala duwan ee US ayaa hadda kadib loo oggolaanayaa inay garka deystaan – sidoo kalana ay xiran karaan xijaabka wax-yar kadib markii lagu dhawaaqay xeer cusub. “Hadafkeenna ayaa ah inaan ciidamadeenna si mid ah ugu fufudeyno gudashada iyo muujinta astaamahooda diimaha ay aaminsan yihiin,” ayuu ku yiri Lieutenant Colonel Randy Taylor warbixin ay ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!