Haweeney 8 sano ku dhex nool gegi dayuuradeed
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
January 16, 2017
377 Views
Singapore (Himilonews) – Haweeney 50-jir ah ayaa ku dhex nooleyd gegida caalamiga ah ee Changi Airport ee dalka Singapore muddo 8 sanadood ah tiiyoo ay lahayd guri kiro ahaan bishiiba looga qaado 1,000$.
Haweeneyda oo codsatay inaan la heyb-sheegin ayaa u sheegtay warsidaha Singapore Lianhe Wanbao in sanadkii 2008 ay iyada oo ka cararaysa dhibaato maaliyadeed soo wajahday ay halhaleel ku timid gegida diyaaradaha si ay uga dhoofto. Hayeeshe, mushkiladda heysatay ayaa siin wayday inay baxdo ama joogto – balse waxay is tustay inay in cabbaar ah kusii nagaato garoonka inta ay maskaxdeedu go’aaminayso arrinteeda.
Ugu horreyn waxay la amakaansaneyd inay gegi diyaaradeed saacado ku nagaato hayeeshe markii ay cabbaar nasatay waxay qaadatay go’aan cusub oo ah inay ku xididaysato ku dhex noolaanshaha garoonka. Waxay kireystay balakoon u gaar ah – iyada oo baratay sida loogu dhex noolaan karo buuqa iyo saxmadda ka bulxamaysa gudaha garoonka. “Waxa ugu weyn ee aan bartay ayaa ah inaan xalkii aan doonayay ka helay aragtida dadka ku jira socdaalka iyo dhoofka,” ayay tilmaantay.
Balse haweeneydan maysan filanayn in habeennadii koobnaa ee ay damacsaneyd inay go’aan kaga sameyso mushkiladdii heysatay ay isku rogi doonto 8 sanadood.
Isha: Radiohimilo.so
Xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2017-01-16
You must log in to post a comment.