crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin dalbaday in lala duugo lacag kaash ah si uu danbi-dhaaf ugu helo Ilaahiisa | HimiloNetwork

Nin dalbaday in lala duugo lacag kaash ah si uu danbi-dhaaf ugu helo Ilaahiisa

Kampala (Himilonews) – Sarkaal katirsan dowladda Uganda ayaa qoyskiisa ka codsaday inay duugtiisa ku laraan lacag kaash ah kahor intaan la dhigin iilka.
52-jirka lagu magacaabo Charles Obong, oo ahaa sarkaal sare oo howl-gab ka noqday wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Uganda muddo la joogo 10-sano kahor ayaa dardaarankan weriyay kahor dhimashadiisa.
Obong ayaa u dhintay xanuun muddaba hayay. Wuxuu afadiisa u tilmaamay inay naxashkii kula rido 200 oo malyuun oo shilinka Uganda ah oo u dhigma 52,000 oo Doolarka Maraykanka ah.
Wuxuu walaalkiis iyo walaashiis ku adkeeyey inay la socdaan sida afadiisu balanta dardaarankiisa u oofineyso.
Obong ayaa sheegay in lacagtan u rabo inuu danbi-dhaaf kaga dalbado Ilaahiisa si looga cafiyo danbiyadii uu ifka ku galay. Si kastaba, wuu diiday inuu carabaabo nuuca danbi ee uu jecel yahay in Ilaahiisu ka cafiyo.
Balse Obong ayaa oggolaaday in qoyskiisu toddobaad kadib duugistiisa ay qodi karaan xabaasha si ay lacagta ugala soo baxaan.
Isha: Radiohimilo.so
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!