crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin Muslim ah oo dadka baahan lacag la’aan ku quudiya | HimiloNetwork

Nin Muslim ah oo dadka baahan lacag la’aan ku quudiya

Ontario (Himilonews) – Muslim u dhashay dalka Kanada ayaa albaabada u fura dadka baahan ee aan heysanin cunno ay cunaan – iyo qofka kasta oo aan heysanin lacag uu ku cuno hunguri deeqa.
“Dadku marar qaar way kuu imaanayaan, mana ka ogaan muuqooda midka baahan iyo kan dhargan, wayna xishoonayaan. Marka waxaan cunno kariyaha u sheegnay inuusan waxba su’aalin, inay iyaga wax su’aalaan mooyee; haddii ay ku weydiistaanna sii!,” ayuu Yahye Hasheme.
Hashemi waa milkiilaha maqaayadda lagu magacaabo Marché Restaurant Ferdous.
Baaqiisa fiican ee ah siinta cunno lacag la’aan ah dadka baahan ayaa yimid kadib markii Hashemi uu indha-indheeyey dibjir badan oo hareerihiisa ku nool aan heysan cunno ay cunaan kuwaas oo warsada meel ay ku hoydaan iyo hunguri ay dhuunta mariyaan.
Ka falcelinta degdegga leh ee Hashemi ayaa noqotay inuu boorar ay ku qoran yihiin free meal ku dhejiyo foolka maqaayadiisa oo qofkii baahanba uu soo tiigsan karo.
Hashemi ayaa rajaynayaa in falkiisan Islaamiga ah ay kaga deydaan maqaayadaha kale ee Muslimiintu leeyihiin oo ku yaalla Kanada.
“Waa qeyb kamid ah cibaabadeenna. Haddii aan naxariista Alle rabno, waa inaan u naxariisanno kuwo adoomadiisa ku jira ee u baahan naxariisteenna.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!