crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Markay Lo’du gasho booska Fardaha | HimiloNetwork

Markay Lo’du gasho booska Fardaha

Muqdisho (Himilonews) – Kadib markii loo sheegay inaysan hanan karin faras – waayo waa qaali, 11-jirta lagu magacaabo Sarah Simpson, waxay go’aansatay inay isku daydo waxa xiga ee ugu fiican – oo ah inay kaxayso Lo’da.
Hadda, Sarah, oo 18-jir ah, waxay faraskeeda gaarka ah u heysataa lo’. Waxay ku gashaa orodada lo’dan oo lagu magacaabo Lilac sida dhiggeeduba u adeegsadaan faraska.
Sarah waxay taniyo intay xusuusataba ku riyoon jirtay yeelashada faras u gaar ah, hayeeshe markii waalidkeedu u sheegeen inaysan u heli karin faras, waxay soo hindistay inay lo’daba ay ka yeelato hab-socod sida faraska lagu daanshoodo – laguna baratamo.
Waxay markeedii ugu horreysay bilowday kaxeynta lo’da iyada oo yar markii walaalkeed ka yar, Tim, uu u sheegay inay isku daydo. In kasta oo aysan lahayn khibradda fuullaanka iyo bedertanka, hadana Sarah waxay ku dhacday dusha Lilac, oo markaas ahayd Weyl yar oo ku jirta xeradooda.
Lo’du waaya’aragnimo kama qaadin muddaba falkan Sarah ay kula dhaqaaqday, hayeeshe hadda muddo laga joogo lix sano iyo bar, Sarah iyo Lilac waxay iskaga dhigan yihiin faras iyo fardooley.
Isha: Radiohimilo.so
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!