HomeDhanbaalladaQ4aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan!

Q4aad: Ereyo iyo Oraahyo Jaceyl xanbaarsan!

  • Hilow aan dhamaaneyn ayaan kuu qabaa.
  • Madoonayo inaad iga tagto. Cabsi darteed oo aan ka baqayo inaan ku waayo.
  • Waxaan rabaa inaan ilbiriqsina ku moogaan. Diidmo aan dhabiilayo inaad iga dheeraato.
  • Ma ogaan kartid diirrimaadka uu qalbigaygu ku sugan yahay marka aan adiga kula joogo.
  • Wax walba ayaad iiga dhigan tahay.
  • Waxa aan gebi ahaanba u baahanahay waa adiga oo kaliya.
  • Markii ugu horreysay oo aan ku arko waxaad la tagtay hawadayda. Markii aad ila hadashayna, waxaad qaadatay fikirkayga.
  • La kulankaadu wuxuu ahaa lama filaan. Inaan jaalle kuu noqdana, waxay ahayd doorasho.
  • Way dhacdaa inaadan ii jeclaan sida aan kuu jeclahay: inaadan ii daryeelin sida aan kuu daryeelayo. Laakiin haddii aad si un iigu baahato, waxaan joogi doonaa hareerahaaga si aan kuu daryeelo.
  • Waxaan jeclahay inaan noqdo midka aad adigu jeceshahay.
  • Waxay naawilayaa haddii riyadu ay rajo noqon lahayd, rajaduna ay run noqon lahayd. Waayo riyadayda dhexdeeda, mar kasta adiga ayaa ila jooga.
  • Hal qalbi wuxuu Ilaahay inoo siiyay waa in qalbiga kale naloogu dhiibay qof kale si aan uga soo helno.
  • Mararka qaar waxaan la yaabaa haddii jaceylku uu mudan yahay in loo halgamo. Laakiin marka aan wajigaada qurxoon soo xusuusto, waxaan u haliilaa inaan u dagaallamo jaceylka.
  • Waxaa tahay dunidayda.
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments