crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney uur leh oo ku goodisay inay iska soo xaaqayso cunugeeda haddii aysan helin barteeda Twitter-ka u helin 4,000 likes. | HimiloNetwork

Haweeney uur leh oo ku goodisay inay iska soo xaaqayso cunugeeda haddii aysan helin barteeda Twitter-ka u helin 4,000 likes.

Florida (Himilonetwork) – Dad badan ayaa la argagaxay aragtida haweeney xaamilo ah oo ku goodinaysa inay iska soo ridayso ilmaha uurkeeda ku jira haddii aysan helin like badan.
Haweeneyda reer Florida oo isugu yeerta Saipanting barteeda Twitter-ka, ayaa sheegtay inay leedahay uur afar bilood ah.
Maalintii Arbacada, waxay iska qaaday sawir ‘selfie’ ay ku muujinayso uurkeeda.
Waxay xinayd dhagadhago macatab u sameysan markii ay ku goodisay inay ilmaha iska soo xaaqayso.
Waxay barteeda Twitter-ka kusoo qortay: “4 bil uur ah waxaan ku rabaa 4,000 oo retweets mana iska soo xaaqi doono.”
Dadku waxay halhaleel canbaarayn iyo canaan kaga fal-celiyeen handadaadda ah inay ilmaha iska soo xaaqdo.
Aabaha uurka loo leeyahay, kaas oo isku sheegay King Nathan VI balse kusoo gala bartiisa Twitter-ka magaca Rodriguez The God, ayaa Saipanting ku canaantay sida xun oo ay wax u dhigtay iyo inaysan marnaba u sheegin inay uur u leedahay.
Kadib saacado dhowr ah oo kumaakun dad caraysan ay canaan kaga jawaabeen ficilkeeda, haweeneydan xaamilada ah waxay sheegatay inay kaftan ka ahayd.
Saipanting waxay soo qortay: “Baraha bulshadu waa sida bulaacad, dadkuna waxay wax kasta u qaataan si dhab ah. Aniguse wax weyn uma arko.”
Barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ayaa heshay in ka badan 11,000 oo retweets si aysan ilmaha iskaga soo xaaqin.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!