Sign in Welcome! Log into your account your username your password Forgot your password? Get help Password recovery Recover your password your email A password will be e-mailed to you. HomeWararkaNin xarun daryeel u furay Eeyaha howl-gabka noqda. Wararka Nin xarun daryeel u furay Eeyaha howl-gabka noqda. By Zakariya August 31, 2017 0 1 Share FacebookXPinterestWhatsApp Muqdisho (Himilonetwork) – Bai Yan, qalbi-jilcane ku nool Hangzhou ayaa dhawaantan soo jiitay indhaha bulshada caalamka kadib markii la ogaaday in 7 sano ee lasoo dhaafay uu lacag dhan $150,000 ku bixiyay daryeelka iyo xanaanaynta Eeyaha howl-gabka noqday halkaas oo kuwii lasoo shaqeeyey ay helayaan baxnaano. 55 sano jirkan ayaa booliska kamid noqday sanadkii 2004 isaga oo 30 ku dhawaad tababbaray. Wuxuu la qaataa waqti fiican la socdaa xaaladdooda. Wuxuu dhawaan saxaafadda u sheegay inuu sama-falkan bilaabay markii uu arkay Ey waayay daryeelkii uu mudnaa kadib howl-gabnimadiisa. Milkiilihii iska lahaana uu kaga dhaqaaqay ban cidlo ah. “Waxay ila tahay argagax inaan eego sida dayacan ee looga dheeraaday Eeyaha markii lagu xamaashay,” ayuu yiri. “Waana markii aan go’aansaday inaan wax sameeyo.” Shaqooyinka maalinlaha ah ee uu baxnaano ah ugu sameeyo Eeyaha howlgabay waa siinta cunnada ay rabaan, dawaynta ay u baahan yihiin iyo inuu la qaato socdaalka ay tabayaan inay bannaanka ugu baxaan. Waxa yaabka leh ayaa ah in xaruntiisa banxaanada ay leedahay xabaalo lagu duugo kuwa dhinta. 26 kamid ah kuwii uu xanaaneyn jiray ayaana lagu aasay. “Waxaan rabaa inaan ka farxiyo,” ayuu yiri. “Inaan siiyo wax u dhigma dadaalkii ay ila soo baxsheen.Waa sida qoyskayga xubno kamid ah.” In kasta oo uu qiray inay jiraan samafalayaal ugu yeeray inay gacan siiyaan, haddana wuu ku gacan-seyray. Wuxuu tallaabadiisa ugu yeeray mid lamid ah mas’uuliyadda reerkiisa ka saaran. Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Share FacebookXPinterestWhatsApp Previous articleWiilka qasaalad uu isku dhex qariyay ay ku dhagtay muddo saacado ah.Next articleHaweeney uur leh oo ku goodisay inay iska soo xaaqayso cunugeeda haddii aysan helin barteeda Twitter-ka u helin 4,000 likes. Zakariya RELATED ARTICLES Wararka Tartanka Bajaajleyda! December 20, 2025 Dunida Muslimka “Annaga amar la’aanteen ilmo ma dhali kartid.” – Sheekooyinka Tacaddiga Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Wiigar. December 13, 2025 Wararka Cayaarta ‘Buundada Lulata’ oo shacbiyad ku yeelanaysa Shiinaha! December 12, 2025 LEAVE A REPLY Cancel replyLog in to leave a comment Most Popular Daawo – Tartanka Bajaajleyda December 20, 2025 Tartanka Bajaajleyda! December 20, 2025 “Muslimiintu waa inay nala caabudaan qoraxda, webiyada iyo geedaha.” – Ururka RSS. December 20, 2025 “Dumiya Masaajidda ku yaalla dhulka Dowladda.” – Hindiya oo usoo dhigatay burburinta Masaajidda. December 17, 2025 Load more Recent Comments