crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laba haween si yaab leh isugu dayay inay ku dhacaan bangi. | HimiloNetwork

Laba haween si yaab leh isugu dayay inay ku dhacaan bangi.

Pennsylvania (Himilonews) – Laba dumar oo ku labisan dharka haweenka ku xiran kaniisadaha ayaa isku dayay inay dhacaan bangi kahor inta aysan baxsan, marka loo eego booliska Pennsylvania.
Booliska Pocono Township ayaa sheegay inay ku raad-joogaan labadan haween kuwaas oo aan la garan heybtooda, kadib markii ay soo galeen bangiga kuna qabteen qoryo ilaalada si lacagta caddaanka ah ee taalla xarunta loogu soo wareejiyo.
Labadan haween ayaa hadda la marsiin doonaa xukun ah xatooyo bangi iyo dhaca hanti dadweyne.
Booliska ayaa qof walba oo xogtooda haya ka dalbaday inay kusoo war-geliyaan.
Marka loo eego baaritaanka booliska, falkani wuxuu soo shaac-baxay dabayaaqada toddobaadkan.
Labada haween ayaa gudaha usoo galay Bangiga Citizens oo dhaca Waddada 611 ee magaalada Pocono Township – waxayna lasoo baxeen qoryaha fudfudud.
Waxay lacag ka dalbadeen waaxda xisaabaadka iyo keydka maaliyadda u qaabilsan Bangiga.
Durbadiiba, labada haween ayaa isaga baxsaday goobta kahor intaysan gacanta ku dhigin wax lacag ah.
Booliska ayaan fahamsanayn sababta labada haween cabsida ku abuurtay.
Wax dhaawac ah ilaa hadda lagama soo werin.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!