crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baydhabo mise Barisamo!! | HimiloNetwork

Baydhabo mise Barisamo!!

qeybtii saddexaad;
Baydhaba, Baay (Himilonews) – Maanta socdaalkaygu dhankasta kagama duwana socdaallada kale. Kaliya waxaan aad u naawilayey inaan mar un gaadho Baydhabo. Walow aanu safarkani ahayn mar-aragaygii koobaad ee Baydhabo, hadana hilow iyo hanqal-taag jamasho ayaan u qabay kolkan, maadaama kolkii hore aan maray anigoo kuray ah. Malahagayga sanadii 2007-da dabayaaqadiisa.
Abaare 4:30pm ayaan kusoo dhawaanay caradii bakoolka iyo dhoodiga iskugu jirtay. Hareeraha laamigana waxaa ka baxayay abuurro kala gedisan sida; Haruur, galay, sisin, babaay, liimo iyo jaadyada kala ceynka ah ee qudaarta iyo dalagyada. Cirkana wuxuu la ciirayay guulaamo iyo daruur cuslaatay. Hawada dhawna waxaa heehaabayay ceeryaamo. Rubuc saac kadib ayaan soo gaadhnay Kontoroolkii Magaalada. “Haka dhawaada Baydhaba Janaay” ayaa ku qoran baallaha Kontoroolka. Gaarigiina waxaa lagu hakiyay docda laamiga dhan ka ah, si loo hufo. In door ah ayaan taagnayn, laakiin ogaantay waxay ila ahayd in il-biriqsi lagu hagay howlihii baadhitaan. Waayo waxaan ku miirqaadmay bilicda dalagga iyo duunyada ee Eebe hibada u siiyay Baydhabo. Deetana, dhaqaaq kadib, waxaa lay nagu hakiyay Hudheel Bakiin oo ahaa qasrigii Madaxtooyada iyo gurigii Xildhibaanada ay kolkol ku shiri jireen, xilligii Dowlada Cabdullahi Yuusuf Ahmed AUN.
Rugta lagasoo galo magaalada ayaa ku tusaysa burbur aad ah inuu gaadhay magaalada oo bila kahor ay ku dirireen Xoogaga Alshabaab iyo Dowlada. Maanta Taliska hagaya howlaha waa Dowlada iyo Ciidama shisheeye ee Amisom. Kadib dhugasho yar oo ay nagu eegeen ciidamadii joogay Bakiin, ayaan si hakad-la’aan ah waxaan kusoo galnay Magaalada. Hada, saacadu waa kow-iyo-toban-saac galabnimo. Waxaana taaganahay Faras-magaalaha guud ee Baydhabo. Wixii hada ka danbeeya, socodku waa xadidan yahay, sida ku cad wareegtada uu maamulku soo saaray. Marka waa in gaarigu baryaa, rubadlayduna iska hoydaan.
Wadayaashii gaariga ayaa nageeyey mid kamida hudheellada ku yaalla Faras-Magaalaha. Halkaas ayaana ku dhar iyo dhogor dhaqannay. Maadaama uu gaarigu nasoo waday ugu yaraan 24 saac oo aan inta badan ku gama’ dhigay gaariga dhaxdiisa, sida rubadlayda kale uma gataati-dhicin. Marka waxaan yara jeclaystay inaan u cimilgalo sida ay magaaladu ula laba-kaclaynayso taban-taabada, taranta iyo tafiirta ee ku aadan Dad iyo Duunyo iyo guud ahaan saha ay ku sugan tahay magaalada.
Maadaama ay tahay maalin-shaqo, dadku waa kuwa howshoon. Mid dugsi u socda, ku shaqo u ordaya, Reer miyi kusoo jarmaadaya magaalada iyagoo sida dhiilihii caanaha, warato aroor hore soo howltagay, ciriiri ka jira bacadlayaasha iyo gebi mashquul ka guuxaya laabta qof kasta. Ayaan waliba agaansinkeed. Dadkuna kasab iyo kasmo ayay u kala dareeraan. Mana jirto il-biriqsi ay indhahaygu ka nasteen aragtida sanku-neefle idilkeed.
waxaa qoray Ceyduruus Maxamuud Iimaan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!