Wardhiigleey, Muqdisho (Himilonews) – Meel dheer ayaan ka arkay isagoo salaadda Casir masjidka kusoo dukaday ka hor intaan madal kula ballamin. Wuxuu u muuqday gaban weli xooggiisa qaba. Walow da’du ay daba eryanayso, hadana noloshiisii u badneyd miyi-joogga iyo adkaysigii hayaanka dheeraa ee uu kusoo dhaqay duunyadiisa ayaa ka dhigtay nin wali carcarkiisi qaba. “Maxaad ugu shirbin degmadii aad mar u shirbi jirtay” ayaan weydiiyay. “Waxaan filayaa inaan magaceedii meel sare dhigay.”
Wardhiigleey wazaarad waaye, inta kalana wakaalad waaye!!
Degmada aan ka hadlayo waa Wardhiigleey. Ninka aan lahadlaayana waa Shirbaagii weynaa Shariif Cawaale Golcadde oo 1950 markii uu ku dhashay tuulada Burdheer ee duleedka Deyniile ee gobolka Banaadir ilaa caruurnimadiisa ku indha-qaaday nolosha keynaanka iyo diihaalka leh ee miyiga. Sida dadka caadiga ayuu u labbisnaa. Kamana garan kartid shaqsiyadiisa gaarka ah inuu yahay shirbaagii hirgaliyay hal ku dhigii caan baxay ee Wardhiigleey wasaarad waaye inta kalana wakaalada waaye”. “sidee ayuu hal ku dhigan ku baxay?” ayaan anigoo soo jiidanaya kursi agtiisa u dhow weydiiyay. “Ma waxay kaaga dhigneyd wax walba mise wax goonni ah?” “Waxaynu ahayn dhalintii dhulka. Dad la dhowri jiray. Kuwo laga dhursugo,” ayuu si mohasho ku jirto iigu jawaabay. Wuxuu bilaabay inuu gocdo xilligii gaashaan-qaadnimadiisa, waayihii uu kamid ahaa barbaarta gaashaaman. Wuxuu gocanayay siday ahayd maalmihii uu usoo ban-baxi jiray golayaasha lagu tartamo. Xilliyadii fantasiyaha ee Venti Uno Octobar isaga oo ku xardhan dharkii hiddaha iyo dhaqanka.
Ka hor inta uusan isku golaadin su’aalahayga ayuu sheeko furan iigu baaqay. Isago afartiisa dhinac eegaya ayuu bilaabay inuu iiga warramo sida markuu gabanka ahaa uu xaafaddan ugu noolaa, iyadoo Obosiib u badan. Markii ugu horeysay ee uu kusoo dagay degmada Boondheere halkaas oo uu rug iyo reerba ku yagleelay; deedna uu uga soo wareegay nagaadigiisa hadda ee Ex- wardhiigleey. Waqtiyadii adkaa, maalmihii is-biirsaday oo ay adkeyd in gaadiidka gurmadka iyo kuwa dab-damiskuba ay kusoo galaan degmada si ay kalkaal u fidiyaan. Dharaarihii hinaaska iyo qeyla-dhaansiga. Habeennadii uu ku fakiri jiray sida taliska loogu muujin lahaa dib-u-dhaca degmada iyo sida wali daryeelkii ay mudneyd aan loogu haliilin.
Waaberi waddooyinkeeda, Wardhiigleey maxay ku weysay?!
“Curashadii kacaanka,” intuu yiri ayuu cabbaar aamusay; aamusnaan dheer oo qof haduu sakiin u qaato uu kala jari karay. “Xilli u dhow waqtigii OHRM la hir-galin rabay ayaa waxaa booqasho inoogu yimid guddoonkii Gobolka oo kormeere ah. Wuxuu indha-indhaynayay saha degmada. Hadii aan qaldaneyn guddoonka gobolku wuxuu ahaa Xasan Abshir Faarax,” ayuu ku hakaday isagoo dabeyl dhabatay sanka la raacaya. “Maalintaas waxaan ku hammin jiray qeyb kamida ayaan xaqiijiyay.” “Maxay ahayd wixii aad ku hammin jirtay oo aad xaqiijisay,” ayaan si xashaash iyo xiiso ku jirto u weydiiyay anigoo qalinka kusii gujinaya buugga.
“Runtii degmada Wardhiigleey waxay ahayd degmada ugu abaabul, ol’ole iyo isku soo bax fiican markay timaado in maamuus, madal ama madax la soo dhawaynayo,” ayuu ku tiraabay isaga oo garkiisa isla siman salaaxaya. “Qiimeynta ay u muujiyaan taliska degmada ururrada bulshada rayidka ah siiba barbaarta gaashaaman oo aan ka tirsanaa ayaa sal-dhig u ahayd horumarrada ay degmooyinku ku kala tagsanaan jireen” ayuu ku naalooday. “Laakiin maxay ahayd dhanbaalkii aad u gudbisay kormeerkii idin soo booqday berrigaas?” ayaan si hanqal-taag ku jirto mar labaad u weydiiyay.
