HomeLa-yaabkaHaweeney Ninkeeda isaga furaysa inuu ka qariyay Bidaar uu leeyahay!

Haweeney Ninkeeda isaga furaysa inuu ka qariyay Bidaar uu leeyahay!

MUQDISHO (HN) – Lavika Gupta oo deggan deegaanka Gaur ee bartamaha Noida waxay dhawaan dacwad ka gudbisay ninkeeda iyo afar qof oo ehelladiisa katirsan. Waxay ku eedeysay in la khiyaaneeyay markii ay oggolaatay inay guursato sannadkii 2024. Mid kamid ah eedeymaheeda ayaa ah in loo ballan-qaaday nin leh timo badan oo caafimaad qaba, balse ay guursatay nin bidaar leh oo xirnaa timo macmal ah.

Sida ku cad war-bixinta dacwadda bilowga ah ee laga diiwaan-geliyay sal-dhigga booliiska ee Bisrakh, Lavika Gupta iyo Sanyam Jain waxay is guursadeen 16-kii Janaayo sannadkii 2024. Xaasku waxay sheegtay in la shirqoolay xilligii guurkeeda, iyada oo Jain iyo qoyskiisu ka qariyeen macluumaad kala duwan oo ku saabsan muuqaalkiisa jir ahaaneed, waxbarashadiisa iyo xaaladdiisa dhaqaale.

“Guurka kadib, waxaan sidoo kale ogaaday in ninkaygu uu dhammeeyay oo keliya fasalka 12-aad, halka xogtiisii lagu sheegay inuu heysto shahaadada BCom (Bachelor of Commerce). Waxa kale oo uu ka been sheegay inuu sannadkii shaqeysto adduun dhan 18 lakh rupees una dhiganta qiyaastii $20,000. Sidaas weyn ayaa la ii qiyaanay,” ayay tiri Gupta.

Gupta waxay intaas ku dartay in markii ay aqbashay inay guursato Sanyam loo sheegay inuu yahay nin leh ‘timo qaro weyn’ balse ay gadaal dambe ka ogaatay in ninkeedu bidaar qabo oo uu isticmaalo timaha lagu dhejiyo madaxa si loogu qariyo bidaarta.

“Haweeneydu waxay sidoo kale ku eedeysay ninkeeda inuu jir dil u geystay intii ay safar dibadda ah ku jireen, isla markaana uu ku cadaadiyay inay marijuana (xashiishad) kasoo qaaddo Thailand una keento Hindiya,” ayuu sarkaal katirsan sal-dhigga booliiska Bisrakh u sheegay wariyayaasha.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments