crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax kabaro Dameerka | HimiloNetwork

Wax kabaro Dameerka

Muqdisho (Himilonews) – Dameerku waa gamaanka jaad kamid ah oo badi loo adeegsado rarashada. Asalkiisa waxaa laga helay qaaradda Afrika. Wuxuu ahaa mid la adeegsato sida fog taariikhda ahaan ee ah 5000 oo sanadood. Dunida guudkeeda waxaa maanta ku nool 40 malyuun oo Dameerro ah oo badigood laga helo dalalka soo koraya – isaga oo muhiim u ah ku guurista iyo rarashada siiba meelaha badi ku dhuftaan abaaraha.
Dameerku waxaa markiisii ugu horreysay dhaqashadiisa bilaabay Faraacintii Mesopotamia muddo laga joogo 3000 oo sano kahor kadibna wuxuu kusii baahay dunida dacalladeeda. Dameeraha yaryarka ah waxaa la yiraahdaa Qayl.
Howsha rarista, wadista iyo adeegsiga Dameeraha dadka qabta waxaa la yiraahdaa Dameeraleey.
Muddada uu cimrin karo waa inta u dhaxeysa 12-15 sanadood. Sidka dhalmadiisana waxay sidoo kale u dhaxeysaa 11-14 bilood. Dhirirkiisu waa in u dhaxeysa 79 – 160 cm. Halka culeyskiisuna uu gaarayo culaab u dhaxeysa 80 kg ilaa 480 kg.
Ugu horreynba, Dameerku baxaali ahaan ma ahan mid fudud. Way adag tahay in lagu sandulleeyo ama loogu dirqiyo in la adeegsado. Balse muddo kadib, Dameerku waa saaxiibka ugu fiican ee reer Gamaan ku jira kaas oo naf-hurnimo ugu qidmeeya jaallihiisa ugu danbeyntii.
Sifooyinka lagu tilmaamo Dameerka waxaa ku jira inuu yahay noole dagdag u fahmi og xaaladaha, saaxiib-gala, lehna awoodda uu wax lagu bari karo.
Si kastaba, faraca Dameerada dunida saaran wuxuu sinjigoodu galaa ama ay asalkoodu ka yimaadeen Dameerrada Soomaalida iyo Nuubiyiinta.
Shiinaha ayaa ah dalka ugu badan oo ay ku nool yihiin 11 malyuun oo Dameero ah.  Waxaana ku xiga Pakistan, Itoobiya iyo Mexico.
Hal-ku-dhiyada laga yiri Dameerka waxaa kamid ah;
  1. Doolaalo dheeraa ma nin Dameero oodaa?
  2. Dameer iyo doc ka yeerba daanka ayaa lagu dhiftaa.
  3. Dameer baa lagu yiri; maxaad u daaman beeshaa?! – suu yiri; Dad hakaa haro.
  4. Nin muddo busaaradoobay oo mar helay gamaan uu ku xoogsado ayaa ku hinraaqay; Gaabane Dameerow cagta gaaban mooyee, Geel muxuu ku dheer yahay?!
  5. Dameer iyo nin saaranba deymaa iga deeqday!
  6. Nin dameer wadow, warkaagu waa kaasoo horreeyey.
  7. Nin Dameer wataa dad la tooyasho ma ahan.
Isha: Himilonews
Qore: Zakariya Xasan Hiraal.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!